Buuhoodle: Hawlqabadka Ururka dhalinyarada ByVa
Waxaa Magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn maalmahani si xawli ah uga Socday olole Balaadhan oo ay wadaan Ururka Dhalinyarad ee Byva oo kamid ah Ururada Samafalka ah ee ka Howlgala Deegaanka Buuhoodle Waxaana iminka Ururkaasi uu Bartilmaameedka Dhigtay inuu Gabi ahaanba Dacyactirku Sameeyo Wadooyinka Waa Wayn ee magaalada buuhoodle oo Xiliagn oo lagu jiro Xili Roobaadkii Biyo Buuxdhaafiyeen
Waxaana Dhamaan Dhalinyarad ururka Byva ay Buuxiyeen Wadooyinka magaalada oo biyo Wasa ah ay buux dhaafisay oo Xiligan ay ka Dhigeen Wado Laamiga ah oo kale Waxayna ku Buuxiyeen Jaycad iyo dhagaxaan iyagoo ula tagay Gacmahooda Waxaana arintaasi Siwayn u Soo dhaweeyey Guud ahaan Shacabka gobolka Cayn iyo Gaadiid layda gobolka Waxaana dhinaca Gaadiidka ka taageerayey Mayarka magaalada buuhoole Xuseen Dacwi Ducaale Waxaana iminka ururka byva uu magaalada Gabi ahaanteedba ka Wadaan mashruuc lagu aasayo Meelaha biyaha Qabsiga ah Xiliga Roobka oo Dhibaato ku Keenta Gaadiidka iyo dadwaynaha gobolka Xumaysana bilicda Caasimada gobolka Cayn.
Waxaana Barmaamjikaasin ku taageeray Guud ahaan Shacabka gobolka Cayn oo Hoosta ka Xariiqay in Ururkan Byva yahay Ururka kaliya ee ka jira magaalada buuhoodle Waxna ka Qabtay Waxyaabihii dadwaynaha gobolku ubaahnaa
Dhinaca kale Ururkan Byva ayaa magaalada buuhoodle Waxaa uu Deeq biyo dhaamis aha Gaadhsiiyey Qoysaska danyartav ah ee kunool magaalada buuhoodle Waxaana talaabooyinkaasi Siway ugu Farxay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah,
Maaha Markii ugu horaysay ee Ururkani Byva uu magaalada buuhoodle ka Qaybto shaqooyin tanoo kale ah horay ayey ahayd kadib markii sida oo kalie ay olole nadaafadeed uga bilaameen gobolka iyo Waliba mashaariicooyin kale Duwan oo shacabku ubaahnaa
Waxaana uu wali Ururkani Byva uu Wadaa Howlihii lagu dayactirayey Wadooyinka gobolka iyo kuwii lagu Nadiifinayeyba Waxaana Masuuliyiinta Ururkaasi Sheegay maray Saxaafada gobolka la hadlayeen inay u shaqaydoonaa shacabkooda gobolka Cayn Xili kastba ay is Garabtaagan yihiin
SAWIRRO MUUJINAYA TAAKULAYNTA IYO HAWLQABADKA URURKA DHALLINYARADA BYVA
IYO MADAXDA GOBLKU KA WADAAN MAGAALO-MADAXDA GOBOLKA CAYN EE BUUHOOLE
{backbutton}

