Buhodle: Dhismaha Gegida Diyaaradaha oo si habsami ah u socda
Dhismaha garoonka diyaaradaha ee buuhoodle oo in modo ahba qura joogta udhalatay gobolada SSC iyo dadwaynaha deegaanka oo iskaashanayaa ay ka wadeen duleedka bari ee magaalada buuhoodle ayaa haatan waxa uu marayaa meel gabo gabo ah, hadaba waxaanu maanta booqasho ku tagnay goobta uu ka socdo dhismaha garoonkani anagoo soo indha indhaynay marxalada uu marayo dhismaha garoonku.
Dhismaha garoon kan oo in mudo ahba soconayay soona bilawday bishii 10aad ee sanadii 2009 ayaa haatan waxa uu marayaa marxaladii ugu danbaysay ee lagu dhamaystiri lahaa iyadoo shaqadiisuna si dardarleh usoconayso walaw ay qaar kamida hawlwadeenada garoonku ii sheegeen in ay hadhay hawsha intii ugu muhiimsanay ayna ubaahantahay dhaqaalihii lagu dhamaystiri lahaa.
Sidoo kale waxay hawl wadeenada garoonku mahadnaq balaadhan usoo jeediyeen hablaha udhashay gobolada SSC oo ay sheegeen inay kaalin muhiim ah ka qaateen dhismaha garoonkan diyaaradaha iyagoo aad ugu amaanay qaabka wadaniyadu ku dheehantahay ee ay kaalintoodii ubuuxiyeen islamarkaana sheegay in haatana looga baahan yahay inay dadaalka intaasi kasii badaiyaan oo ay kaalintooodii wali ubanaantahay.
Dhanka kale waxay hawlwadeenada garoonku ay umahadnaqeen dhamaan jaaliyadaha udhashay gobolada SSC iyo cidkasta oo taageero ka gaysatay intii uu socday dhismaha goonku iyagoo sigaara ugu mahad celiyay ururka dhalinyarad ee SUDO oo saldhigiisu yaya magaalada London ee cariga ingiriiska ururkaasi oo dhawan dhismaha garoonka ugu deeqay 30 lawdh oo isuugu jira dhagax iyo jayga lagu buuxinayo meelaha godgodan ee garoonka.
Is xog waraysi dheer kadib ayaa waxaan ugu gudbay goobaha ay shaqadu ka socoto garoonka waxaana indhahaygu qabanayee dhul aad ubaxadwayn oo lagu shubay dhagax iyo kaasi oo lasoo leekaysiinayo garoonka intiisa kale, mar aan waxka waydiiyay hawl wadeenada garoonkuna waxay ii xaqiijiyeen in dhismihii dhulka loogu talo galay runway ga garoonka ay ka hadhay intaasi oo kaliyu kadibna ay sitoosa usoo fadhiisan doonaan nooc kasta oo diyaarada ahiba.
Sikastaba ha ahaatee mar aan waxka waydiiyay Gudoomiyaha dhismaha garoonkan diyaaradaha Xasan Faarax Baad inta uu ku dhamaan karayo garoonkani hadii loo helo dhaqaali ku filan ayaa waxa uu ii sheegay inay kusoo gabo gabaynoonaan mudo 40 maalmood ah gabi ahaanba shaqada garoonkan hadii loo helo dhaqaale ku filan, kaasi oo ugu baaqay qurba joogta udhalatay gobolada SSC inay si wadaniyadi ku dheehan tahay u dhamaystiraan hawsha inta hadhay.

