Debed bax lagu taageerayey shirka Buro Wadal oo weli ka socda Buuhoodle
Taageeradii ugu balaadhnayd ee loo diro shirka ka socoda magaalada Buuro Wadal ayaa maanta waxaa lagu muujieyey debed bax aad u balaadhan oo ka dhacay magaalada Buuhoodle. Dadkan oo dhamaantood ay ka muuqatay astaamo iyo calamo ay ku sharaxantahay ama ku taalo taageer shirka SSCda ayaa waxay kale oo qaadayeen heeso aad u qiimo badan.
Waxaa dadka maanta halkaa isugu yimid kale oo ay lulayeen calananka Soomaaliya oo aad moodid in qofwalba uu ka mid yahay maryaha uu xidhanyahay. Dadka maanta ka qayb qaatay debed baxaas ayaa waxay ku dhawaaqayeen SSC ha noolaato, Soomaaliya ha noolato iyo erayo kale la mid ah.
Goobata debed baxaas ayaa waxaa ka hadlay dad aad u fara badan oo ay ka mid yihiin Cuqaal, Odayaal, Dumar, iyo dhamaan ururada bulshada. Dadkaasina waxay dhamaan halkaa ka cadeeyeen in ay si toos ah u taageeren shirka ka socoda magaalada Buuro Wadal. Waxaa kale oo dadka halkaa qudbadaha ka jeedinayey si toos ah u taageereen Hogaanka xoraynta iyo midaynta gobolada Soo, Sanaag iyo Cayn ee sanadkii la soo dhaafay lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Qudbadaha goobtaa laga soo jeediyey waxaa kale oo dheeraa Gabayo, Buraan buro iyo hadalo kale oo aad u qiiro geliyey dadkii iskugu soo baxay banaan baxa taageerada ah ee loogu talo galay shirka ka socoda magaalada Buuro Wadal.
Waxaa kale oo dadka goobtaa qudbadaha ka jeediyey ku noq noqdeen in qofkii dan gaar ah wata
aan loo joojin ee la raadiyo, lanana sheqeeyo dadka wadaniga ah ee doonaya in ay naftooda iyo maalkoodaba u huraan xoraynta degaanada maqan iyo guud ahaanba midnimada umada Soomaaliyeed ee maanta hiilka u bahaan.
Waxaa kale oo debed baxan maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle si toos ah loogu canbaareeyey xubno u dhashay degaankan Buuhoodle oo lagu eedeeyey laguna tuhumay in ay ka soo horjeesteen shirka ka socda magaalada Buuro Wadal. Waxaana dadka goobtaa isugu yimid dhamaantood isku raaceen in aan loo dul qaadan doonin masuuliyiinta leex leexa iyo khilaafka shaqada ka dhigtay iyaga oo metelaya dadka ku dhaqan degaanka.
Waxaa kale oo dadka magaalada Buuhoodle ku dhaqani cadeeyeen in ay ku fara adaygayaan xoriyada buuxda ee ay maanta haystaan, iyo in midnimada umada Soomaaliyeed ay muqadas tahay loona baahanyhay in afka iyo qalbigaba lagu adkeeyo oo aan laga war wareegin waa sida nin oday ah oo goobta ka hadlay u dhigaye.
Buhodle.net

