gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Admin Panel
Login Form



Home Halkan ka akhri wararka gobolka Cayn Roobab si wanaagsan uga da'ay Buuhoodle iyo magaalooyin ku dhow dhow

Roobab aad loogu diirsaday ayaa waxay ilaa xalay ka da’ayeen degaanada Hawdka ee hoos yimaada magaalada Buuhoodle. Roobabkan ayaa sida lagu soo waramayo boox dhaafiyey magaalooyin fara badan oo hore Jilaal aad u qadhaadh laga soo sheegayey.

Magaalooyinka booxsamay ee sida fiican u roobsaday waxaa ka mid ah Heegaale, Qarraro, Qudhac-dhalaan, Xadhadhan iyo magaalooyin kale oo afarta jihaba kaga began magaalada Buuhoodle.

 

Mahiigaanka ka curtay degaanadan ayaan ilaa hada sida wararku sheegayaan wax dhibaato ah u geysan dadka iyo duunyada ku dhaqan magaalooyinka uu sida wanaagsan ugu da’ay ee uu buux dhaafiyey.

Roobabkan ayaa sida lagu qiyaasay ka soo hormaray mudo bill ah wakhtigii xiliga Gugu ka bilaaban jiray gobolada Soomaaliya intooda badan oo ay ka mid tahay magaaladan Buuhoodle. Roobabka sidan oo kel ka soo hormara xiliga Gugana waxaa degaankan looga yaqaaana ama lagu magacaabaa Toddob.

Roobkan lagu magacaabo Toddobka ayaan beryahan ka da’in nawaaxiga magaalada Buuhoodle iyo guud ahaanba gobolada dhanka woqooyi ee dalka Soomaaliya inta la xusuusanyahay meeshoodiina ay bedeshay abaaro guun ah oo dad iyo duunyaba wax yeelo aan la soo koobi karayn u geysta.

Roobabkan oo hada modo dhowr maalmood ah ka da’ayey gobolada woqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa sida lagu soo waramayo dad iyo duunyaba wax ku yeelay magaalooyin ka tirsan gobolka Woqooyi-galbeed oo ay ka mid tahay magaalada Gebilay oo ay ku dhinteen dhorw qof.

Waxaa kale oo roobabkan lagu soo waramayaan in ay si fiican ugu da’een gobolada Togdheer, Sanaag, Awdal iyo gobolka Woqooyi-galbeed.

Buhodle.net

 
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday