gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Admin Panel
Login Form



Home Halkan ka akhri wararka gobolka Cayn Buuhoodle: Xilwareejin ka dhacday shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM


Xaflad balaadhan oo xilka loogu kala wareejinayay Maamulkii hore ee shirkada isgaadhsiinta ee Telesom iyo maamule cusub oo dhawaan loosoo magacaabay ayaa maanta ka dhacday xarunta shirkada isgaadhsiinta TELESOM ee magaalada Buuhoodle.

 

xafladan oo ahayd mid balaadhan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin aad utiro badan oo ay kamid ahaayeen culimo awdiinka, cuqaasha, iyo dadwayne tiro badan oo kamida macaamiisha shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM.

 ugu horayn waxaa kulankaasi ka hadlay Gudoomiye faarax Sugaal oo isagu kamida masuuliyiinta Sarsare ee Shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM kaasi oo ku dheeraaday waxqabadka maamule Maxamed Deeq Xaaji Xasan iyo horumarkii balaadhnaa ee uu gaadhsiiyay Shirkada TELESOM oo uu wakiil uga ahaa Gobolkan mudadii uu xilkeeda hayay, isagoo halkaasi ka cadeeyay in shirkadu ay ka xuntaha inuu xilka iska wareejiyo maamule Maxamed Deeq Xaaji Xasan oo isagu masuuliyiinta sare ee shirkada ka codsaday inuu xilka wareejiyo. 

 

Intaasi kadib waxaa hadalka ubaxay Maamulihii hore ee shirkada Telesom Buuhoodle Mudane Maxamed deeq Xaaji Xasan oo si sharafleh xilka ugu wareejiyay maamulaha Cusub Caaqil C/samad Cali Xasan, isagoo ilaahay uga baryay inuu ufududeeyo masuuliyadaasi balaadhan ee uu ku wareejiyay. 

 

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay masuuliyiin tirobadan oo uu kamid ahaa Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar iyo xubno ka tirsan maamulka Gobolka waxayna dhamaantood amaan iyo mahadnaq balaadhan usoo jeediyeen Maamulkii hore ee Shirkada TELESOM Buuhoodle Mudane Maxamed Deeq xaaji Xasan oo isagu ahaa masuul wadaniyadiisu aad usarayso kana soo baxay waajibaadkiisii shoqo mudadii uu xilka shirkadanu hayay. 

 

Iskusoo wada duuboo waa markii ugu horaysay ee xilwareejin noocani oo kale ah uu sameeyo masuul sare oo ka mida maamulada shirkadaha isgaadhsiinta ee magaalada Buuhoodle iyadoo haatan ay ka hawlgalaan magaalada Buuhoodle shirkada isgaadhsiineed oo tiro badan.

 
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday