Qurba joog iyo cuqaal soo booqday dhismaha garoonka Buuhoodle
">
Wafti balaadhan oo isugu jira qurba joog iyo cuqaal ayaa manta soo booqday dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada buuhoodle.
Qurbajoogtaasi saaka soo booqday groonka diyaaradaha ee magaalada buuhoodle ayaa waxa kamid ahaa yaasiin axmed sulub, C/nuur Guray , C/qaadir Faarax Cagdheere iyo Cali Maxamed (cali Mas) iyo qurbajoog kale oo tiro badan ayaa waxay saaka soo kormeereen dhismaha garoonka biyaaradaha ee magaalada buuhoodle.Dhanaka kale waxaa booqashadaa qurba joogta ku weheliyay Cuqaal tiro badan oo waxaana dhamaan qurbajoogtaasi iyo cuqaashaasi saaka soo booqday garoonka diyaaradaa ee buuhoodle wajigooda ka muuqanaysay farxad iyagoo aad ugu faraxsanaa meesha uu marayo haatan dhismaha garoonku.
Waftigaasi qurba joogta ee xaqiiqo raainta ahaa waxaa gacmo furan kusoo dhaweeyay hawlwadeenada garoonka diyaaradaha ee buuhoodle Cumar Cabdi haaruun iyo xasan Faarax Baa doo iyagu sheegay inuusan garoonkani wax siyaasad yo maamultoona shaqo ku lahayn, ayna kuosoo dhawaynayaan cidkasta oo kazoo jeeda deegaanka buuhoodle haday yihiin qurba joogta iyo dadwaynaha deegaanka.
Dhismaha garoonkan diyaaradaha ee buuhoodle ayaa bishii 10aad ee sanadii tagtay laga bilaabay Duleedka magaalada buuhoodle ayaa haatan wuxuu marayaa meel gabo gabo ah iyadoo hawlwadeenada garoonku ay sheegen inuu garoonkani dhamaan lahaa dhamaadkii sanadkii tagay hadii loo heli lahaa dhaqaalo ku filan dib udhaca ku yimidna iyagoo kusababeeyay sababo dhaqalo yari aawadeed.

