gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Admin Panel
Login Form



Home Halkan ka akhri wararka gobolka Cayn Gobolka Cayn iyo ciyaaraha Puntland

 

Waxaa todobaadkan magalo madaxda maamulka Puntland ee Garoowe ka furmay tartan ciyaareed oo ay iskaga hor imaanayaan dhamaan gobolada maamulkaasi.
Tartanka Ciyaaraha gobolada Puntland ayaa galey maalintii afraad waxaana manta isaga hor yimid garoonka Mire Aware gobolada  Mudug iyo Cayn.

Labada kooxoodayaa soo bandhigey ciyaar xiiso leh oo soo jiidatey taageerayashii soo buux dhaafiyey Garoonka.

Kooxda magaalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn ayaa muujisey qaybtii hore ee Ciyaarta xirfad aad iyo aad u saraysa iyagoo heley fursado badan wallow aysan ka faa,iideysan jaanisyada ay helleen, halka gobolka Mudugna ay si khibradeysan ula socdeen dhaq dhaqaaqa kooxda ka soo horjeeda taasi oo keentey in qeybtii hore e ciyaarta la isku mari wayo.

Markii la iskuga soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda gobolka Cayn 10  daqiiqo  ka dib waxa ay la yimaadeen Gool uu dhaliyey wiilka ugua ciyaara xaga weerarka ee lagu magacaabo Fahad.

Ciyaartooyda gobolka Mudug ayaa weerar culus la beegsaday goolka gobolka Cayn, waxana 7 daqiiqo oo qudha kadib u suurtagashey in ay iyaguna booqdaan goolka gobolka Cayn una saxiixey goolka bar bardhaca ciyaaryahanka khadka dhexe ee lagu magacaabo diiriye.

Labada koxood ayaa difaac kala xidhay 20 daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeeyey ayagoo cabsi kaqaba midba kooxda kale in ay kaga nixiso gool aakhiru daqiiqaha.

Ciyaarta galabta kadhcdey garoonka mire aware ayaa kusoo gabagabooodey 1 iyo 1 waxayna noqotey barbardhicii ugu horeeyey ee laba koxood dhexmara tartanka kubada cagta ee gobolada puntland.

Labada kooxood ayaa waxay la group yahiin laba kooxood oo kale oo kala ah Sanaag iyo Qardho, labada kooxood ee ugu dhibcaha badan ayaana u soo gudbi doona wareega labaad.

Buhodle.net

 
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday