gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Admin Panel
Login Form



Home Halkan ka akhri wararka gobolka Cayn Raxan Libaaxyo ah oo soo galay degaanka Buuhoodle

Waxaa todobaadyadii ugu danbeeyey magaalada Buuhoodle iyo agaagaarkeeda aad looga hadal hayey imaanshaha raxamo libaaxyo ah oo lagaga soo waramayo in lagu arkay goobo fara badan oo degaanka ka tirsan.

 

Hadal hayntaasi waxay keentay ee dad badan oo dhalinyaro ahi ay isu diyaariyaan in raxantaa libaaxyada ah raadsadaan xiiso ay u qabaan libaaxa aragtidiisa awgeed. Arintaas xiisa iyo dhalinyaranimada ku bilaabatay waxay todobaadkan keentay iska hor imaad dhex maray raxantii libaaxyada ahayd iyo koox dhalinyaro ah meel ku dhow magaalada Aangalo.

Goobtaa iska horimaadku ka dhacay waxaa ku dhintay hal libaax, waxaana ku dhaawacmay wiil dhalinyaradii ka mid ah. Arintan ayaa waxay sii kordhisay sheekadii iyo hadal hayntii libaaxa ee baryahanba la isla dhaxmarayey agaagarka Buuhoodle.

Dhalinyarada raxantan libaaxyada raadsanaysa ayaa badankoodu waxay yihiin kuwo sheekooyiinkii libaaxyada ee hore looga sheekayn jiray maqlay oo aan marnaba aragtidooda indhaha saarin.

Sheekooyiinka libaaxa ee degaankan aad looga sheekeeyo waxaa ka mid ah, sheekadii libaaxii Mandaleel, kii libaaxii la magac baxay Cagmarooje iyo libaaxii caanka degaankan ku noqday ee Juuqdhegeyste. Libaaxyada magacydan la baxay ayaa waxay dhamaantood ahaayeen kuwo dad qaad ah.

Raxantan libaaxyada ah ee laga soo sheegayo degaanada Buuhoodle iyo agaagarkiisa ayaa waxay dadka badankiisu aaminsanyahiin in arintani ay hormuud u tahay waxyaabo badan oo degaankan hore loogu aqoon jiray ama uu caanba ku ahaa.

Waxaana dadka waaweeyni ka waaninayaan dhalinyarada in libaaxyadaa la amaan geliyo maadaba uu libaaxu yahay boqorka habar dugaag, laguna tilmaamo libaaxa burjiga iyo tilmaanta degaankan ku xeeran Buuhoodle.

 
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday