Dhaqdhaqaaq shireed & Mid ciidan oo laga dareemayo Buuhoodle
Waxaa maanta laga dareemayey magaalada Buuhoodle dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u weyn. Waxaa magaalada gudaheeda iyo xeryaha ciidamadaba laga dareemay is abaabul aad u baladhaan oo aan indhawayd lagu araga degaanka Buuhoodle.
Dhaqdhaqaaqan ayaa waxaa soo kordhiyey, shirar goo goos ah oo ilaa shalay ka socoday magaalada Buuhoodle iyo nawaxigeeda. Shirarkaas oo dhex marayey cuqaasha, culumo udiinka iyo wax garadka ku sugan degaanka Buuhoodle. Shirarkaana waxaa go'aammo lagu gaadhay in cid kasta oo nabad gelyada degaanka waxa u dhimaya lagaga hor tago cudud midaysan.
Shirarkani waxay daba joogaan carqaladahii ka dhacay magaalada todobaadkii dhawayd, carqaladahaas oo ay horkacayeen maleyshiyaad laga soo abaabulay maamulka Soomaalidiidka ah ee Hargeysa.
Waxaana cuqaasha iyo dadkii kale ee shirarkaas ka qayb galay ay go'aansadeen in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo khatar gelinaysa nabadgelyada iyo horumarka degaanka Buuhoodle.
Waxaa kale oo go'aan lagu gaadhay in la xoojiyo xeryaha ciidamada, lana tayeeyo saadka ciidamada iyo hubkoodaba. Waxaana halkaa lagu xusay in midnimada Soomaliya ay muqdas tahay, horayna aanu wax muran ah uga jirin in uu degaankani maal iyo nafba u hurayo difaaca midnimada Soomaaliyeed.
Xaaladu si kastaba ha ahaate waxaa magaalada Buuhoodle ka muuqata shucuur midaysan oo aan yar iyo weyn dadka ku nool degaakan aan wax shaki ahi kaga jirin in ay ku taagan yahiin wadada saxa ah, taas oo ah mid ay ku difaacayaan sharaftooda iyo dalkooda.

