Xulalka Masar iyo Nigeria oo Usoo Gudbay Semi Final Koobka Qaramada Africa
Xulalka Masar Iyo Nigeria ayaa usoo gudbay wareega Semi Finale Koobka Qaramada africa, ka dib markii ay guulo gaareen ciyaarihii ay xalay la ciyaaray.
Xulka Faraacinta Masar ayaa 3-1 ku suuldaaray Cameeroon, iyadoona guushaan ay si weyn kaga mahacelineyso Captain-ka Qaranka Axmed Xasan oo xalay wacdaro xoogan ka dhigay Garoonka.
Axmed Xasan ayaa Gool kama ah ka saxiixay Xulkiisa Masar daqiiqiadii 26aad, laakiin isla ciyaaryahanka ayaa dhaliyay Goolkii bareejda xulkiisa, isagoona raali galin wanaagsan ka baxiyay qaladkii uu sameeyay.
Markii dib la iskugu soo laabtay qaybtii 2aad Xulka Cameroon ayaa dardar xoogan la soo galay garoonka, iyadoona uu inta badan maamulayay Kubada, laakiin Labada Xulba wey ku guuldareysteen inay wax ka badalaan natiijada ciyaarta, iyadoona waqtigii loogu tala galay ciyaarta ay ku soo idlaatay 1-1, sidaas darteedne lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah.
Mohamed Gedo oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa xulkiisa siisay hogaanka ciyaarta bilowgii waqtigii dheeriga ahaa, laakiin Goolkii xaqiijiayay guusha Masaarida waxaa daqiiqado ka dib u keenay Kabtan Ahmed Hassan oo xalay ahaa Xidigii Garoonka.
Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-1 ay guusha ku raacday Masar, iyadoona Semi final-ka tartankaan la kulmi doonto xulka ay cadaawada ka dhaxeyso ee Algeria.
Kabtan Ahmed Hassan ayaa xalay jabiyay Record horay u yaalay koobkaan,isla markaana taariiq cusub u dhigay Xiddigaha Qaardaa africa,isagoona noqday ciyaaryahnka ugu safashada badan koobka Qaramadea Afric taariiqda.
Dhanka kale Xulka Nigeria Waxauu laCiyaaray Xulka Zambia, Kulankaani oo ahaa Mid Qaybti hore Bareejo Goolal laaan ah kusoo dilaatay iyadoo la sadaalinaye inay ka badalnaan doonto Qaybta Danbe Oo Goolal la sika dhalin doono laakin ta ma dhicin,
Qaybtii danbe Ee Ciyaarta waxay noqtay mid laiskakala baqo taasi oo sababtay in Ciyaarta ay kusuoo idlaato bareejo 0-0, iyadoo Waqtigii dheeriga ahaana Ee La micno noqotay 90-kii daqiiqo, bareejo 0-0, waxaa loo dhigay, Rigoorayaal.
Xulka Nigeria ayaa fara cidi leh kusuoo adkaaday Rigoorayaashii kadib markii 4-5 Ee ku kala baxayn, Xulka Zambia Rigooradii E Cuntay ayaa Niyada ka jabisay, halka Nigeria ay ahaayeen Ciyartoy umuuqda inay u tababarnaayen Riigoorada.
Nigeria Waxay Semifinalka La kulmi doontaa Xulka Chana oo ahaa Xulkii soo reebay Mariti galiyaha Koobkaani Ee Angola.

