Intaad noqon lahayd Sayn libaax ku taal waxaa dhaanta inaad noqoto Madax jiir ku yaal
Haddaan idiin yara jilciyo ciiwaanka sare ee qoraalka inta aanan u guda degin dulucdiisa , waxaa jirta maahmaah dadka shiinuhu leeyihiin oo odhanaysa, "Intii aad noqon lahayd Sayn ama dib libaax ku yaal waxaa ka roon in aad noqoto madax jiir ku yaal."
saynta ama dibka libaaxa ku yaal waxaa ku qasban in ay la marto meesha libaaxu maro, dhoobo ha ahaato, ama dhir qodax leh ha ahaato, amaba wax ka sii xunba ha ahaatee.
Laakiin haddaad tahay madax jiir ku yaal ( inkastoo jiirku yahay wax aad u itaal yar marka loo eego libaaxa) adiga ayaa iska leh fikirka ama go'aanka aad meel ku marto, meeshay doontaba ha ahaatee.
Haddaba, miyaanay wax lala yaabo ahayn kasgaabnimada muuqata ee beryahan dambe ay caadaysteen in ay warbaahinta ka jeediyaan shaqsiyaad ka soo jeeda SSC balse ku hadlaya magacyo maamullo kale, Ilaa heer ay ka gaadhay qaar kuwaas ka mid ahi inay yidhaahdaan qofkii beeshayda ka mid ah (SSC) ee hungureeya boos madaxwayne kama duwana nin dheelalowsan ama ku hammiyaya wax aan macquul ahayn, sida gaalnimo reer shiray oo ku heshiiyey inay gaal samaystaan.
Kuwa fikradda caynkaas ah qaba saw ma habboona in la waydiiyo su'aasha ah: " Kan ku xiga haddaad u diidey in uu madaxweyne hawaysto, berrito marka damac madaxweyne-nimo ku galo(kan sidaa u fikaraa maba hawaystee) ma waxaad dhahaysaa waan gaaloobayaa?
Raggu meel kasta waa isku hayaa laakiin ninbaa waxaa laga sheegay war haddaan khaldanahay iyo haddii kaleba geel 10 qadey baan ceel keenay.
Bal waa iga su'aale ninka maskaxdiisa ka keenay inuu madaxwayne u noqdo dadkiisa iyo dalkiisa, oo dadkiisii iyo magaaladiisii dhex jooga, siday doontaba ha u cuslaato hawsha hortaalaa, miyuusan ahayn nin maskaxdiisa isticmaalaya hanwaynina ku jirto (madaxjiir). Ninkase laga soo diray guri kale oo loo soo diray gurigiisa loona soo akhriyey wuxuu gurigiisa ka odhan lahaa miyuusan ahayn saynta ama dib libaax ku yaal.
Gebabebadii iyo guntii qoraalka waxaan ku soo dabrayaa, Hoggaanku waa madaxdii ssc. Waxaa doortay dadka deegaanka. Waxay wadaan danta deegaanka. Waxay la joogaan dadkoodii. Waxaa dhaliili kara oo keliya shacabka ay metelaan. Waxaa beddeli kara oo keliya shacabkooda.
Waxaan samir u leenahay haddaan nahay shacabka reer SSC inaan sugno midha dhalka balanqaadkooda. Waxaan ka kornay haddaanu nahay shacabka SSC inaan curdanka ku cunno midhaha noo baxaya. Waxaannu soo gaadhnay markii la sugi lahaa intay nooga bislaanayaan. Shacabka reer SSC waxay markan tijaabinayaan inay isku tashadaan. Haddaan tijaabadaa ku qasaarno waa guul oo khibrad baan ka dhaxlaynaa, haddaan ku guulaysanana waa guul oo waa sidaan rabnay. Subag weel ku daatey sina uma xumaado.
Buhodle.net

