Gabay: Tanna Qaata Naadaba Ragbay Bay Qaac u Shidataaye
Dhegaystayaal/akhristayaal, waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa gabay taariikhda Suugaanta Af Soomaliga meel weyn ka galay oo halku-dhigiisu yahay TANNA QAATA NAADABA RAG BAY QAAC U SHIDATAAYE. Gabaygaas waxaa tiriyey gabyaagii caanka ahaa ee daraawishta lana odhan jirey Xuseen Maxamuud Faarax oo kuna magac dheeraa Xuseen Dhiqle.
Sida la ogsoon yahay Xuseen Dhiqle isagoo ahaa nin fahmo badan wuxuu qaybi jirey gabayada Sayid Maxamed Cabdille Xasan (Allah dhammaantood ha u naxariistee) markaasna u sii gudbin jirey daraawiish. Run ahaantii Xuseen waxaa la odhan karayey wuxuu ahaa warbaahintii kacaankii daraawiishta maadaama markaas gabaygu ahaa aaladda ugu weyn war iyo xigmadba bulshada Soomaalidu dareenkooda isku gaadhsiin jireen
.
Gabaygan waxaa inoo meerinaya abwaanka suugaanta Soomaalida maanta sida weyn uga dhex muuqda, Axmed Faarax Cali oo ku magac dheer "Idaajaa". Dhegaysi fiican.

