gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Warar aan ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay caddeeyeen in taliyhii saldhiga booliks Biyo Kulule lana odhan jirey Axmed Xasan oo ku magac dheeraa ina Xaaji Dhoonge lagu dilay Boosaasso, lana dhaawacay walaalkiis oo la yidhaahdo Cali-xiddeeye.

Warar kala geddisani waxay sheegayaan in dilka maxuumkaas loo tuhmayo inay ka dambeeyeen ciidanka marka la soo gaabiyo loo yaqaan PIS oo ah ciidammada sirta ee Puntland hase ahaatee toos uga madax bannaan maamulka Puntland ee Cabdiraxmaan Faroole lana aamminsan yahay in quwado shisheeye ay maamulaan kuna fushadaan danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Dad badan baa waxay tuhunsan yihiin in ciidanka PIS dilkan u fuliyey si la isaga soo hor keeno dadka degaanka Galgala ku nool oo weji kale loo yeelo dagaalka ka socda degaanka Sanaag Bari, si markaas maamulka Puntland iyo quwadaha shisheeye ee faraha kula jira arrimaha mandqadad Geeska Afrika ay danahooda u gaadhaan.

 Axmed Xasan Dhoonge wuxuu hadda ka hor u ahaa horgale ciidammada huwanta ah ee Garowe lacagta laga siiyo, iyadoo lagu xasuusto dagaalkii buuraha Majayahan ee sannadkii 2005 oo uu markaas Axmed Xasan hormuud ka ahaa.

Sida wararku soo tebinayaan waxaa guddi ka madax bannaan maamulka Garowe ka taliya loo saaray in ay soo xaqiijiyaan ciddii ka dambaysay dilka Axmed Xasan Xaaji Dhoonge.


Buhodle.net
 

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday