Dad loo tuhmay in ay u shaqaynayaan Al-Shabaab oo lagu xidhay Burco
Wararka laga helayo Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in howlgalo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ka sameeyeen magaaladaasi Ciidamada amaanka ee mamulka la magac baxay Somaliland ay ku qab qabteen ilaa 8 ruux oo lagu tuhunsanyahay in ay xariir la leeyihiin ururka dhaqdhaqaaqa Al Shabaab.
Ciidamada ayaa Saakay dadkaani oo u badnaa dhalinyaro waxaa ay ka qab qabteen Xaafado kuyaala Magaalada Burco, waxaana durbadiiba ay ku xireen saldhiga Magaaladaasi, iyadoo dhalinyarada lagu eedeeyay inay magaalada ka wadeen falal ay ku doonayeen inay qaraxyo kaga fuliyaan gudaha Magaalada.
Gudoomiyaha maamulka la magac baxay Somaliland ee gobolka Togdheere Yaasiin Max’ed Cali oo la hadlayay Idaacada BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dhalinyarada la qabtay ay ku tuhunsanyihiin ay ka yimaadeen meelo kabaxsan gobolkaasi Togdheere isagoo tilmaamay inay qorsheynayeen inay halkaasi qaraxyo iyo falal kale oo amaanka ka baxsan ay ka geystaan.
Waxaa uu sheegay gudoomiyaha gobolka Togdheere in haatan baaritaano ay ku socdaan 8-da qof ee lagu qabtay Magaalada Burco ee gobolka Togdheer, isagoo intaasi ku daray in hadii dambli lagu waayo ay fasaxi doonaan, waxaana uu tilmaamay in howlgalada dadkaani lagu soo qab qabtay ay bilaabeen kadib markii sida uu sheegay ay ka warheleen in gobolka Togdheer ay soo galeen dhalinyaro dooneysa inay amaanka dhibaato u geystaan.
Ugu dambeyntii gudoomiyaha gobolka Togdheer Yaasiin Max’ed Cali ayaa ugu baaqay shacabka gobolkaasi inay ciidamada kala shaqeeyaan amaanka gobolka, isagoo sheegay in howlgaladaasi ay sii socon doonaan ilaa amaanka ay ka xaqiijinayaan.
Xigasho: Shabelle.net

