gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed  (Faroole) ayaa galabta socdaal qarsoodi ah oo aan hore loo shaacin ugu amba baxay magaalo madaxda dalka Etoobiya ee Adisababa.

Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid saxaafada laga qariyey ayaa waxaa ku weheliyey Saraakiil dowlada Etoobiya u fadhiyey magaalada Garoowe iyo tiro cayiman oo lagu sheegay in ay yihiin la taliyayaasha khaaska ah ee mudane Faroole

Waxaa kale oo la xaqiijinayaa in diyaarada mudane Faroole kala duushay gidigada diyaaradaha ee magaalada Garoowe ay ahayd mid khaas ah lagana leeyahay dalka Etoobiya.

Arimaha ugu mihiimsan ee mudane Faroole looga yeedhay magaalada Adis-ababa ayaa la xiqiijinayaa in ay yihiin arimo la xidhiidha dagaalada ka socoda degaanka Galgala oo maamulkiisu ku guuldaraystay in ay wax xal ah ka keenaan.

Waxaana mudane Faroole la filayaa in uu dowlada Etoobiya waydiisan doono kaalmo dhanka ciidamadda ah oo kaga hortago xoogaga ay isku hayaan buuralayda degaanka Galgala ee galbeedka gobolka Bari.

Arimaha kale ee la isla dhexmarayo in mudane Faroole loogu yeedhay ayaa waxaa ka mid ah iyada oo dowlada Etoobiya ay wado qorshe cusub oo ay ka fulinayso Woqiiyiga Soomaaliya ka dib markii khilaaf aad u balaadhani soo kala dhex galay maamulka Somaliland iyo dowlada Etoobiya.  Khilaafkaasina waxa uu bilowday kadib markii Adis-ababa ku eedaysay maamulka  cusub ee Siilayo in ay ku jiraan wasiiro xidhiidh qoto dheer leh dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta dalka Soomaaliya.

Isku soo wada duuduuboo, socdaalkan deg dega ah ee madaxweynaha maamulk goboleedka Puntland loogaga yeedhay magaalada Adis-ababa ayaa dad badan oo siyaasada Soomaaliya gorfeeyaa ku tilmaameen mid sii kordhinaya faragelinta dowlada Etoobiya ku hayso dalka Soomaaliya.  Iyada oo kordhinaysa taageerada hogalada been ma sheegayaasha ah marka horgale kale ka soo hor jeesto.

 

Buhodle.net




 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday