gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in magaalada lagu dilay masuul u shaqayn jirey maamulka Soomaali diidka ah ee ka taliya magaalada Hargeysa.   Masuulkan ayaa sida la xaqiijinayo maamulkaa ugu magacaabnaa madax nabadsugida gobolka Sool.

Ninka caawa magaalada lagu gaadeeyey ayaa lagu magacaabaa Cabdi Ciise Nuur ahaana sida lagu soo waramayo in uu ahaa taliyaha ciidanka Asluubta ee gobolka Sool.  Waxaa kale oo sida lagu soo waramayo goobtaa ku dhaawacmay laba askari oo sida la xaqiijinayo ka tirsanaa ilaalada sarkaalkan caawa la diley.

Arimahan gaadaha ah ee lala beegsanayo saraakiisha u shaqaysa maamulka Soomaalidiidka ah ayaan hada in mudo ah ka dhicin magaalada iyada oo hore ay magaalada gudaheeda lagu dilay rag badan oo u shaqayn jiray maamulka Hargeysa.

Wararku waxay kale oo intaa ku darayaan in magaalada Laascaanood caawa laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay samaynayaan maamulka inta mudada ah gacanta ku hayey magaaladaa ayna ku baadhayaan cidii ka danbeysey dilkan.

Dilalkan qorshaysan ee lagu gumaadayo saraakiisha maamulka Hargeysa ayaan ilaa hada la ogayn cida ka danbaysa ilaa hadana aanay jirin cid ama koox sheegatay.

Waxaase dad badani hore ugu eedeyeen arimahan in maamulka Hargeysa ka danbeeyo si uu ugu seeto dheeraysto gacan ku haynta magaalada Laascaanood.

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday