Al-shabaab oo la wareegtay Xaruntii Ahlu-Sunna Wa jamaaca ku lahayd Muqdishu
Al-shabaab ayaa maanta saxaafadda Muqdishu u soo bandhigtay Xaruntii Jabhadda Ahulu Sunna Wa Jamaaca ku lahayd Muqdishu oo ku taalla degmada Hodan taas oo ay degaaaladdii u dambeeyey Al-shabaab ku qabsadeen. Xaruntan oo ku taalla degmada Hodan meel aan sidaas waxba uga fogayn gurigii hore ee uu lahaan jirey Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Al-mujaahidiin Sheekh Cali Maxamed Xuseen isagoo Mowlaca Macallin Nuur oo ahayd xaruntii Ahlu Sunna kala hadlaya saxaafadda waxaa hadalladiisii ka mid ahaa: "Maalmahaan waxaa socday dagaalkii aan ku baaqnay, waxaana ka gaarnay guulo la taaban karo, waxaana Alle ka rajeynaynaa inuu noo dhameystiro inta harsan."
Sheikh Cali Maxamed wuxuu halkaas ku eedeeyey Ahlu Sunna isagoo ku tilmaamay in ay yihiin koox u adeegta cadawga ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena wuxuu cambaarayn u soo jeediyey hadallada ka soo baxay Hay'adda Culimada Soomaaliyeed iyo dad kale, hadalladaas oo odhanayey in dagaallada socdaa aanay diinta Islaamka waafaqsanayn.
"Dagaalka natiijo ayaan ka gaarnay, waxaana cadeynta ugu filan ay tahay inaan maanta joogno mowlicii Macallin Nuur oo ay horay ugu sugnaayeen cadowga islaamka, kuwa dhahaya dagaallada natiijo laguma gaarayo waa cadow kale" ayaa madaxa gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab halkaas weriyeyaal uga sheegay.
Maalintii lixaad weli waxaa halkoodii ka sii socda dagaallo iyo duqaymo u dhexeeya AMISOM iyo ciidanka dawladda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab iyadoo ay ku maanta ku dhinteen 4 qof, 12 kalena ku dhaawacmeen.
Cali Muuse Sheik oo ah madaxa gurmadka degdegga ah ee Muqdishu wuxuu sheegay inay cusbitaallada geeyeen 12 qof oo shacab ah oo dhaawacyo ka soo gaadheen dagaalkii maanta ka dhacay Muqdishu.
Iyadoo Al-shabaab ay hadda kaamiga ku hayaan waddada Maka Al-Mukarrama darteed waxay ciidammada AMISOM dhammaanba ka joojiyeen gaadiidkii mari jirey waddada Maka Al-Mukarrama.
Buhodle.net

