gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Masaajid ka mid ah masaajidyada ku yaala magaalada Buuhoodle ayaa maanta Salaadii Jimcaha ka bacdi laga maqlay dood ay is dhaafsadeen culimo dhowr ah oo ku saabsan dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya iyo in dagaaladaas lagu tilmaami karo Jihaad iyo in kale.

Haddaba annaga oo aan dooddaas dhex geleynin waxaanu doorbidnay in aanu halkan idiinku soo gudbino gabay uu tiriryey Alle ha u naxariistee abwaan Aadan Yuusuf Axmed (Adan Carab) bilowgii sagaashameedaydii  xiligii ay bilowdeen dagaaladan wejiyada badan leh ee weli ka huraya dalka Soomaaliya.

Abwaankuna isaga oo hoga tusaalaynaya qoyska Dhulbahantaha, una digaya, soona koobay taariikhda qoyskan intii ka danbeysay halgankii ciidamadii Daraawiishta waxa uu gabaysgiisii ku bilaabay sidan hoos ku taala.

Markaan Daayey aniga oo da’dana gabay danbaabkiis

Duruufaha dhashaa igu qasbaye uma dan yeesheene

Caawana dareenkayga culus aan dadka u sheego

In wadaad digriyayaa mar hore duub cad nagu jookhay

Uu nagu daraafsaday Jannaa dagane ii raaca

Oo aan Daraawiish ahaa diinta lagu xeelay

Uu nagu danbaabidhay markuu derejo weyn gaadhay

Waa waxaan la dabandeebayo iyo diifta nagu taalo

Waa waxa dalkayga u arkeen tobanka duullaane

Waa waxay u soo wada durkeen derisyadaydiiye

Waa waxay Nugaal nimankan degey igu dan geeysteene

Waa waxa dar ceel iga kacshiyo dixida Caymeede

Waa waxa Sanaag looga diray duuda Maxamuude

Derbi Xero ah deyr iyo xidhmiyo daaq la kala ooday

Waa waxaanay dooxooyinkii ugu daldhoonayne

Waa waxa Danood iyo i baray Doolo iyo Ciide

Markaan dumiyey Calankaan dejiyo Dowladnimadayda

Waa waxay dadku u leeyihiin Daba xidhkii meeye

 

Denbuu galay haduu Eebahay duugo qoon jiraye

Duufaano adag baa na maray oo dabayo leh

Waxii Faras dushii uumiyaha lagaga door qaatay

Rabi nama dulmina yaa tolkay loogu dow galaye

Malaa weliba qaar nalaga daa deyna waa hadhaye

Maantana kuwaa damac watiyo dabargo eeniiye

Dersina waad marten idinku filan da’iinkii abadde

Marbaa lays dagaa waase ceeb haba digtoonaane

Alla doqonsanaa raaskayagu sow ma dabin dhuudo

 

Afartaa digtoor Aadanbaa daabacoo qoraye

Hadaydaan damiin wada ahayn waa digniin run eh

Wayeelna dacal saar yarbaa doojiyoo gala e

Bal dardaarankaygaasi yuu dalag idiin dhaafin

Marse haddii gu door ahi curtoo diriradii gaadhey

Hadba darar inuu soo ceshaa waa dabeecadiiye

Anna kama diyado maanso aan kicinin daad xoore

Bal aan weliba daaldaasho waa daaqsin dheerahaye

 

Dabkan soo gal dooyiyo rogaal daafac iyo weerar

Waa waxaan Dariiqo ugu lumay aan ku daadumaye

Hadba dunida waax ama intuu yahay degaankeenu

Laftan diiran waa taayadee debada uun taale

Dugaagii dhulkiyo haadba waa naga durduurteene

Dangaraaradii baan qabaa oo ma daal tirane

Dibin daabyo adigoo nastaad kaga dawowdaaye

 

Jeeruu Islaanba u darbado inuu dagaal qaado

Oo ay ka diiran Ciraaq dakharadii gaadhey

Oo Carab daniga iigu jira laga dacar faalo

Oo daawo Gaallo iyo la dhigo deris wanaageeda

Durba celi Jihaad dhegahaygu uma daloolaane

Ragbaa dihin dekeenaaye haday daafad u hayaane

Kuwa caano lagu daadiyiyo duqayada oo joogta

Hadba wiil yar oo daaduf  ahi hadin duufsado e

Innamadan inaad daba gashaan idinka doonaya

Intaad talada door doorataan diida ama yeela.

 

 

Abwaan Aadan yuusuf Axmed (Adan Carab)

 

Buhodle.net

 

 

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday