gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay gurigiisa ugu yeedhay Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargaysa isaga oo ugu hanjabay inuu Dalka ka saari doono hadii aanay Dawladiisu cadayn waxay ka daba gurayso Xukuumadiisa cusub.

Cadhada Madaxwaynuhu kula dhacay Safiirka waxay ka danbaysay markii ay waftigii Ingiriiska ee Dalka ka anbabaxay Daraad ee uu Hogaaminayay Safiirka ingiriiska u fadhiya Ethopia uu Madaxwaynaha soo gaadhsiiyay tuhuno ay Dawlada Itoobiya ka qabto Xukuumadiisa Cusub, isaga oo la kulmay Xubno ka tirsan Xukuumada Siilaanyo si uu u baadho eedaymaha ay Dawladiisu la daba taagan tahay Golaha Wasiirada Xubno ka mid ah.

Sida ay wararku sheegayaan Madaxwaynahu waxa uu si adag ula hadlay Safiirka Itoobiya oo uu ka dalbaday inay Dawladiisu Sharaxaad ka bixiso sababta ay tuhunada iyo Eedaymaha ula daba socoto Xukuumadiisa, taasoo sida la sheegay uu Safiirkuna ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo. Hase yeeshee Madaxwaynuhu wuxuu si adag oo ay ka muuqato diidmo uu ka biyo diiday dhaqdhaqaaqyada Itoobiya ay ku daba gurayso Xukuumadiisa ayuu  ula hadlay Safiirka, taasoo gaadhay xad uu ugu hanjabay inuu Dalka ka eryi doono hadii aanay Dawladiisu ka dayn faro-galinta ay ku hayso Xukuumadiisa Cusub.

Sida ay sheegeen warar ku dhaw dhaw kulanka ay labada dhinac wada yeesheen Shalay waxa circa ku sii shareeray Dalab ay Xukuumada Itoobiya kaga dalbanayso Madaxwayne siilanyo inuu Itoobiya ku tago, taasoo dhawr jeer oo hore uu ka muquurtay, balse hada ay cadaadis ku saarayaan inuu aqbalo si ay wax uga waydiiyaan arrimaha ay ka shakisan yihiin ee ku gedaaman Xukuumadiisa.

Sida la ogyahay waxa baryahaba isa soo tarayay wararka ka hadlaya in Itoobiya iyo Xukuumada cusub ee Somaliland aanay isku sanbanaanayn isla markaana ay Biyo hoostood iska hirdiyayaan, kuwaasoo labada dhinac midkoodna aanu ilaa hada si toos ah uga hadal.

 

Xigasho Ramaas

 

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday