Deeqda Waxbarasho ee la bixiyo ma hal beel uun baa hesha?
Wasiirka Wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare ee Dawlada KMG Cali Jaamac Jengeli ayaa sheegay in Dawlada KMG ay ka heshay deeq waxbarasho oo ay bixisay dawlada Yamen, sidaas awgeed ardaygii doonaya inuu ka mid noqdo ardada dibada loo dirayo waa in uu yimaadaa "wasaaradda" si ay u maraan imitaxaan tijaabo ah.
Wasaarada waxbarashadu waxay ku taalaa magaalada Muqdisho oo wasiirka iyo madaxweynihiisaba lagu keeno xafiisyadooda kaaraha ciidamada Afrikaanka ah,hadaba waxa is waydiin leh sidee ardayga Buuhoodle iyo Baran joogaa u tegi karaa Muqdisho ugana qayb geli karaa imtixaankaa tijaabada oo la doonayo in ardada lagu kala reebo.
Dawlada KMG oo toban jirsatay ayaa ah mid had iyo jeer ardada iyo ciidamada loo qaadayo dibada haday noqon lahayd waxbarasho ama tababar ciidan waxay ka soo ururiyaan degaano ay hal Beeli degan tahay oo ah koonfurta soomaaliya ,hase ahaatee ka dhaadhiciya aduunka intiisa kale in ay yihiin arday laga keenay dhamaan dhinacyada Soomaaliya.
Ugu danbayntii Jaale Wasiir waad ogtahay Aduunkuna waa ogyahay in Muqdisho tahay meel aan nabadi ka jirin sidaas awgeed ardayga gobolkiisa oo nabad ah jooga maaha in lagu xujeeyo in uu yimaado Muqdisho si uu u helo deeqdan waxbarsho,sidaas awgeed hadii imtixaan la qaadayo ama saami wax lagu qaybsanayo waa in imtixaanka lagu qaadaa meel nabad ah oo soomaali oo dhami tegi karto si ardaygii ugu haboonaa fursadna uu u helo
Xigasho Allsanaag.com

