Shirkii Xamar Lagu Xidh oo Natiijo La'aan Ku Dhamaaday
Ka dib shir dhawr maalmood uga soconayey qayb ka mid ah beesha Guleed Garaad, ayaa hada waxaa wararka soo baxayaa sheegayaan in shirkaasi uu dhamaaday isla markaana aysan jirin wax ka soo baxay oo qodobo la isku raacay ahi.
Shirkan oo markii hore lagu sheegay in uu yahay Shir weyne Barkad ayaa markii danbe waxaa la ogaadey in uu ahaa shir ay soo qaban qaabsadeen koox ka timid magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Jabhada SNM. Sidaa waxaa noo xaqiijiyey xubno ka qayb galay shirka oo xidhiidh xaga telefoonka ah nala soo sameeyey ayagoo ku sugan Tuulada X.Lagu xidh.
Garaad Abshir Salaax oo shirka ka qayb galay ayaa asaguna ku noqday magaalada Garoowe oo uu degan yahay. Waxaana la sheegay in shirkan qodobadii la isku mari waayey oo ka qayb galayaashii badankoodii ay diideen in ay saxeexaan shir aan loo dhamayn isla markaana Afduub ku ah guud ahaan beesha Dhulbahante.
Kooxdii shirka soo qaban qaabisay ayaa la sheegay in ay ku kala noqdeen Fadhiisamadoodii, ayadoo kooxdii Hargaysa ka timid ay halkoodii ku gurya noqdaan. Waxaana lagu wadaa markeey Hargaysa tagaan in ay soo saaraan qodobo aan la isku afgaran ahna kuwii keenay in uu shirku Natiijo la’aan xidhmo.
Waxaana ayagoo qancinaya xubnaha Horagalada ah ee cusub kuna sugan Hargaysa ay soo saari doonaan qodobo meel ka dhac ku ah Beesha ay ka soo jeedaan. Taasoo ay ka mid noqon karto wada hadal gaar ah oo lala galo maamulka Dhiig yacabka Siilaanyo majaraha u hayo.
Buuqa hadheeyey shirka oo markii hore si sulux ah loo geliyey Ergooyinka qaar, walow deegaanada qaarkood kuba gacan saydheen ka soo qayb galkiisa ayaa ah ka dib markii ay xaqiiqsadeen Shirqoolada hoose ee ay wateen xubnaha Wadaada ah ee maamulada Dhabarka ku haya. Kuwaasoo dhawaanahan la soo baxay siyaasad car car leh oo muujinaysa in ay doonayaan in beesha Dhulbahante Bool bool loo kala fur furo.
Waxaana la sheegay in hada la sameeyey shax cusub oo reeraha Dhulbahante loogu kala qaybinayo labada maamul. Shaxdan oo ay soo maleegeen Horgalada cusub ee hada mandaqada SSC ku soo biiray ayaa la sheegay in ay soo dhaweeyeen labada maamul.
Waxaana qoraal aanu helnay muujinaya in beelaha SSC, ay ka qaybsadaan labadaas maamul. Si aysan u midoobina magacyo cusub loo kala bixiyo. Si kastaba ha ahaatee shirkii Xamar lagu xidh ayaa u eg mid ay guul daro weyn kala kulmeen xubnihii soo agaasimey ee jago doonka ahaa. Waxaana ay hada ku guuldaraysteen in ay beesha hoos geeyaan maamulka SNMta ee danbiyada waa weyn ka galay Shacab weynaha SSC.
Warar kale oo faah faahsan dhawaan Inshaa Allaah.
Xigasho Horufadhi.com

