gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Mar kale ayaa dagaal qadhaadhi xalay dib uga bilawday degaanka Galgala ay isag hor yimaaddeen ciidan ka tirsan maamulka Puntland iyo ciidammo taabacsan Sheikh maxamed Siciid Atom.


Sida wararku soo tebinayaa dagaalka ayaa ka bilawday meesha loo yaqaan Gaamaha una ahayd  khadkii difaaca ciidank Puntland, ka dibna meeshaas dagaalku ka soo ruqaansaday oo halkaas la iskala soo baxay.

Sida lagu soo warramayo dagaalku wuxuu hadda ka dhacayaa dhanka hoose ee dalcada magaalada Galgala, aagga loo yaqaan Dankuug iyo Danbare oo ilaa 4km u jirta Galgala.
Khasaaraha ka soo gaadhay labada dhinac oo aan weli la xaqiijin hadddan ila wareedyo lagu kalsoon yahay waxay soo tebinayaan in labo (2) gaadhi laga gubay ciidanka Puntland oo miino la kacdhay, in kastoo wararka qaar sheegayaan  baabuurta miinadu la kacday intaas ka badan yihiin.

Warar takhaatiirta cusbitaallada Boosaaso iyo dad goobjoogayaal ah laga helay waxay sheegeen in halkaas la gaadhsiiyey tiro dad ku dhintay dagaalka iyo qaar kale oo dhaawacyo soo gaadheen.

 Dad goobjoogayaal ahi waxay soo tebiyeen gadiid dagaal oo tiradoodu dhan tahay 17 gaadhi oo 12 ka mid ahi ahaayeen gaqwaadhida loo yaqaan Tikniko in ay saldhig ka samaysteen meesha loo yaqaan Laag oo waxba sidaas uga sii fogayn Galgala.

Wararku waxay intaas ku darayaan in taliyaha cusub ee ciidanka daraawiishta Puntland Sciid Dheere oo dhawaan xilkan loo soo magacaabay uu ku guuldarraystay in uu ciidanka dib ugu celiyo magaalada Galgala.
 

 

 

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday