gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Weerer culus ayaa maanta waxaa lagu qaaday Hotel lagu magacaabo Muna oo aan wax badan ka fogeyn xarunta dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya fadhiga u ah oo ay deganayeen xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka.

Dagaalkan oo ay soo qaadeen ciidamada dhaqdhaqaaqa Al-shabaab oo ku lebisan dharka ciidamada dowlada ku meel gaadhka ah ayaa rasaas ka bilaabay Hotel Muna gudahiisa markay soo galeen halka lagu soo waramayo in hal ruuxna isku qarxiyey badhtamaha Hotelka.

Sida wararku cadaynayaan waxaa dagaalka ku naf waayey 18 ruux oo ay ka midyihiin 10 xildhibaanada dowlada ku meel gaadhka ah oo u badnaa dadka Hotel Muna sida caadiga ah macmiisha u ah ee deganaa.

Dhacadan lagu laayey xildhibaanada ayaa waxay daba socotaa dagaal aad u culus oo socda maalintii labaad oo u dhexeeya ciidamada dowlada ku meel gaadhka ah oo ay caawinayaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa iyo kooxa mucaaradka ku ah oo ay ugu horeyaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Marxalada magaalada Muqdisho oo ay isku horfadhiyaan ciidmada dowlada ku meel gaadhka ah iyo kuwo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab maaliba maalinta ka danbaysa ka soo xumaanaya iyada oo todobaadkan oo keliya ay ku nafwaayeen dad kor u dhaafaya ilaa boqol ruux oo u badan shacabweynaha ku dhaqan magaaladaas.

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday