gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Hadal isu bedelay in tooreey la isula baxa ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Somaliland ka dib markii ninka ugu sareeya Madaxtooyadda ee sita darajada Chief of Cabinet Mr Xirsi Ali Haji Xasan uu shaqada ka eryay sedex nin oo u dhashay beesha Sacad Muuse ,Habar Awal.

Sedexda aqoonyahan ee Xersi shaqada Madaxtooyadda ka eryay oo uu ka mid yahay Mr Yaasiin Nuur Mooge oo u dhashay reer Gadiid ayaa ka dalbaday in la siiyo xaquuqdooda maadama ay mudo dheer ka shaqeeynayeen Madaxtooyadda,wuxuuna ugu jawaabay" Ina gumeedkii (Laangaabkii) Samaroon ee aad la walaaqan jirteen,Dahir Riyaale u doonta xaquuqdiina ee inamadiina qaabka daran noo dhaafa Madaxtooyadda".

Mr Yaasiin Nuur Mooge ayaa dharbaaxo qabad siiyay Xirsi Ali Haji kadibna Xirsi ayaa iska soo jaray tooreey ,waxaana dhacday inuu toban daqiiqo Madaxtooyadda ku dhex eryado sedexda wiil kadibna la isu soobaxo.

Xersi Ali Haji waxaa eedadii qaba Milkiilaha Dahabshiil Mohamed Said Ducale oo ay isku reer yihiin,waxaa uu mudo dheer ka shaqeeynayay Xawaaladda Dahabshiil kadibna waxaa lagu deray gudigii komiishinka qaranka ee Somaliland.
Xukumadda Somaliland ayaa ka saartay gudigga komiishinka markii ay ogaatay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Xersi Ali oo u dhashay beesha Habar Jeclo,kuna reera odayga Dahabshiil ayaa
tegay Burco,wuxuuna isi saartay gawaari dagaal si uu gobolka Togdheer
uga jabhadeeyo isagoo AL SHABAAB ah hasse yeeshee kadib waxaa gacanta
ku dhigay,oo xabsiga u taxaabay Ciidamadda amniga qaranka Somaliland.

Dadaalo la sameeyay ayaa Xersi lagu guuleeystay in la sii daayo kadibna waxaa
Agaasime looga dhigay shirkad Isgaadhsiineed ay furatay Dahabshiil oo lagu magacaabo Somtel.
Xersi booska Shirkadda waxaa looga eryay Maamule ka horeeyay oo u dhashay Garxajis, oo lagu magacaabo Xersi Ali Hajji oo aan lahayn aqoon siyaasadeed waxaa loo magacaabay xil aan
taariikhda la maqal oo ah Chief of Cabinetka Madaxtooyadda Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee waxa uu ku kacay Xersi waxay ka dhigan tahay
fadeexadii ugu xumeeyd ee ka dhacda Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni isu taageeda 1991.

 

Xigasho Allsanaag.com

 

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday