gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Markii dawladdi dhexe Bur burtay isla markaana taladii kala yaacday, ayaa waxaa reerkastaba gaar ahaan Beesha Dhulbahante ay isku dayeen in Juffo kastabaa yeelato Hogaan dhaqan oo ku Hogaamiya beeshiisa jidka dantu ugu jirto dadkiisa.

Waxayaalah Aasaaska u ah in la yeesho Madax dhaqameed ayaa waxaa ka mid ah in lagu gaadho oo uu ka turjumo baahida iyo tabitaanka shacabkiisa u u yahay madaxdhaqameedka.

Hadaba reerihii Dhulbahante ee burburkii ka sokoow ku yaacay Garaadnimada iyo Unkida madax dhaqameed cusub, waxay u kala baxeen qaar halkii ay taagnaayeen ka hor madax dhaqameed la’aanta hoos ka sii maray, kuwo aan waxba iska bedelin oo shar iyo Khayr toona uunsan ku soo kordhin iyo Dhan uun uga faa’idey.

Beesha Guuleed Garaad oo ah beel weyn isla markaana ka mid ah beesha Dhulbahante ayaa waxay ka mid tahay reeraha Khasaaraha weyn kala kulmay deg degii Garaadnima doonka. Waxaadna mooda in Markii la sameynayey Garaadka ama la caleemo saarayey Ujeedadiisu ay ahayd Garaad uun aan Mar yeesho. Oo reeraha kale ee Dhulbahante aan la simo, ee aysan wax badan ba eegi. Sida tayada garaadka loo baahan yahay? In uu yahay nin wax ka yaqaan dhaqanka Saldaanada dhaqameedka ee Soomaalida.

In codkarnimadiisa la eego, lana qiimeeyo, in la iska ilaaliyo in uusan noqon Garaadkaasi mid soo maray xukun dawladeed oo siyaasadeed. Hada dhamaan qodobadaas ayaa waxaad mooda in beesha Barkadi ay ku dhacday. Isla markaana aysanba hubsanba oo Garaad uun inteey dhegtaas ka maqleen dheheen yaan ugu duceynaa?

Waxaadna halkaas ka arkaysaa in doorashadii Garaad Abshir Salaax ee 1993gii ay ahayd mid aan ka fiirsi badan laga yeelan isla markaana aan la Dersin. Waxaana ay ku hoobteen in ay doorteen nin Siyaasi ah, oo hadana Askari ah, Markalena Xaakin ah oo uun yaqaana xadhig, Xukun iyo Amar. Taasna waa ta maanta dhalisay in uu sidii Maxkamadiisii ula dhaqmo shacabkiisa oo uu Wareegto uun soo saaro.

Garaadku wuxu caan ku yahay, in uusan cidna la tashan, in uu waxa uu doonayo sida Askarta u sheego iyo in uusan ahayn xataa nin ku adag mawqifkii uu kugu amray oo laga yaabo in uu beri mid lidi ku ah kuu sheego ama sanka kaa geliyo.

Waxaana arimahaas oo dhan tusaale kugu ah waxqabadkiisii sanadihii u danbeeyey weliba 19 bilood ee u danbeeyey. Asagoo wax ka dhisay Hogaanka SSC, Garoowe ka degay oo ku hadlay waxii la ogaa, Buura wadal tegay oo Go’aamadii wax ka soo saaray, Garoowe ku soo noqday oo saxeexay waxii la arkayey. Shirkii Dhalaamacune ka qayb galay oo Gudoomiya. Shalayna aad BBCda ka maqasheen wuxuu lahaa.

Hadaba Su’aasheyda aan u soo Noqdee xiligani ma yahay Wakhti ku haboon in ay Garaad Samaystaan Beeshe Guleed Garaad?

Hadaan si kooban uga jawaabo, haa waa wakhti ku haboon in la yagyeelo Garaadnimada luntay ee lala kufay ee Barkad. Waa wakhti loo baahan yahay Hogaan dhab ah oo dadkan wax ka bedela. Isla markaana guud ahaan beesha Dhulbahante wax tara, kana qayb qaata halganka loogu jiro Dibu xoreynta iyo Midnimada.

Waxaana Garaad Abshir dhaliil u ah inta xaga sare ku qoran oo keliya, anigoo inta badan dhaliilihiisa ka tagay maadaba uu weli yahay Garaadkii Beeshayda. Waxaana kula talin lahaa Aqoonyahanada, Cuqaasha, Dhalinyarada Mustaqbalkooda lagu ciyaarayo iyo Guud ahaan Beesha Barkad in ay si deg deg ah u doortaan Hogaamiye dhaqameed si rabitaankooda iyo waxtarkooda ah u hogaamiya. Kaasoo ka samatabixiya meesha ay maanta yaalaan.

ugu danbeyntii, Waxaa haboon in talo deg deg ah loo fadhiisto isla markaana laga tashado in meesha reerka la dhigay laga qaado. Si loo Badbaadiyo jiritaanka Sharafeed , Magaceed iyo maamuuseed ee Beeshu ku dhex lahayd Bulshada SSC. Waxaana ka digaya in ku yasho reero kale aan lagu habsaamin, isla markaana taa bedelkeeda lagu deydo reeraha Madax dhaqameedyadoodi ay ku hogaamiyan Rabitaan shacabka Dhulbahante guud ahaan.

Abdullaahi Jaama.

London.

Horufadhi.com

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday