gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Ka dib markii shir lagu sheegay in ay lee yihiin beesha Guuleed Garaad {Barkad}, uu ka dhacay magaalada Xamar-laguxidh ayaa waxaa shirkaasi ka soo baxaya warar kala gedisan.

Shirkan oo la xaqiijiyey in aan loo dhamayn, isla markaana aysan ka soo wada qayb gelin guud ahaan beesha Barkadi. Shirkan oo ahaa mid ay soo abaabuleen Unugyo isku xidhan oo xidhiidh hoose la leh maamulada Hareeraha ayaa waxaa loogu talo galay in lagu kala qaybiyo Beeshaasi.

Deeganada la xaqiijiyey in aysan wax garadkoodii iyo Juffooyinkoodi midna imaan shirkaas ayaa waxa ka mid. Magaalooyinka  Horufadhi , Banyaal, Bali-cad , Bali hadhac iyo Docmo. Waxaana la xaqiijiyey in dhinacyada yimid shirkan ay ahaayeen niman u badan Wadaadii Laascaanood iyo ganacsatadii Boosaaso iyo Hargaysa kuwaasoo ay kala Hogaaminayeen Faarax Sugaal Guure Dhanka Hargaysa iyo Ismaaciil Ahmed Dayib Dhanka Boosaaso. Nimankan ayaa waxaa la sheegay in ay isku xidhan yihiin Horgalada cusub ee maamulka SNMta ee uu madaxda ka yahay Dhagar qabe Siilaanyo kuwaasoo kala ah C/Risaaq Dawdar iyo Cusmaan garaad Soofe oo dhawan uun qortay Jagooyinka Horgalnimada.

Dhanka kale waxaa caawa shirar kala gedisan oo xaga telefoonka leh dhamaan Jaaliyada Guuleed Garaad ee dunida dacaladeed. Waxaana ay dhamaantood Canbaareenayaan hadalkii ka soo yeedhay madax dhaqameedka Beesha kaasoo isugu jirey qancinta SNMta iyo kala Irdheynta Tol weynaha Dhulbahante. Garaadka oo hadalkiisa ay ka muuqatay debecsanaan iyo nuxur la’aan baahsan ayaa xata wuxuu asagoo qancinaya cadawga SNMta uu ka sheegtay deeganada qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka loogu taageerada badan yahay gudaha shacabka SSC.

Garaad Abshir ayaa sheegay in uu heshiis la yahay kooxdii Xadhaxadhanka ee sida Dhuumaalaysiga ah heshiiska ula galay Odayaasha Habarjecl walow markii danbe warkoodii waxba kama jiraan ay ka soo qadeen qaar ka tirsan Maleeshiyada SNMta.

Garaad Abshir Salaax oo ka mid ahaa Madax dhaqameedka had iyo jeer lagu xanto in ay danaha dadkooda ka horumariyaan danaha reeraha kale ayaa hadaladiisa oo ahaa kuwo dhul isdhigida ah waxaa aad uga Argagagaxay dhamaan shacabka Beeshaas uu magaceeda ku hadlay.

Sidoo kale waxaa jira cuqaal fara badan io wax garad ku sugan gudaha deeganada beeshu degto oo aad u canbaareeyey hadalka ka soo yeedhay garaadka. Waxayna madax dhaqameedku sheegeen in shir deg deg ah oo wada tashi ah ay ugu baaqayaan beesha. Halkaasna laga soo saaro doono go’aamo wax ku Ool ah oo Badbaado u ah beesha iyo deegaanada iyo weliba Midnimada guud ee SSC.

Ha moogaan baaqyada iyo Go’aamada beesha marka uu dhamaado shir hada soconaya oo xaga telefoonka ah oo Dal iyo debedba ah.

Xigasho Horufadhi.com

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday