gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Waxaa xalay fiidnimadii gudaha magaalada Buuhoodle dib ugu soo laabtay dhamaan masuuliyiintii hogaanka midnimada iyo badbaadada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo in mudo ah uu shir turxaan saaris ah uga socoday magaalada Dharkayan-Geenyo. Shirkaa oo bilowday maalintii Khamiista ahayd ee todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa lagu xalinayey ama lagu gorfaynayey madmadow soo kala dhex galay xubno ka mid ah golaha Khusuusida iyo madaxada sar sare ee hogaanka midnimad iyo badbaadada oo isku khilaafay habsami u socdka hawlaha hogaanka gobolada SSC.

Turxaan bixintaa oo ay isu xilqaameen xubno dhex dhexaad ah oo ay ka mid yihiin mudane Baashe Cali Jaamac, C/xamiid Garaad Jaamax, Yaasiin Axmed Sulub iyo xubno kale oo mihiim ah oo ka soo kala jeeda dhamaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa si daacadnimo ku jirto u xaliyey khilaafkaa soo kala dhex galay golayaasha hogaanka.

Mudanayaashaa dhex dhexaadka ah iyo dhamaan bulsha weynta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn meel kasta oo ay joogto waxaa u muuqatay in haba yaraatee khilaaf maanta soo kala dhex gala golayaasha hogaanka aanay marnaba wax fa’aydo ahi ku jirin, goobta ama xiliga maanta hogaanku ku suganyahayna ay tahay mid yagleel ah oo aan weli deggelobiin.  Wax kasta oo golayaasha hogaanka soo kala dhexmaraana ay noqonayso caqabada is hortaagi karaysa hadafkii loo aas aasay maamulkan ama hamiga ay u hayaan dadka hore u soo dhaweeyey fikirkii uu xanbaarsanaa maamulka cusub ee ay yeesheen goboladani.

Waxaana dad badan oo shirkaa turxaan saarida ah ka qayb galay afka ku dhufteen in hogaanka midnimada iyo badbaadadu xiligii gaabnaa ee uu xukunka hayey ay u suurto galeen wax qabad aad u balaadhan oo aan hore loo filaynin in ay ku qabsoomi karaan mudadii bilaha ahayd ee hogaanku shaqada hayey.  Dadka hogaanka dhaliilaha u soo jeedinayana kula taliyey in ay yeeshaan samir, kuna booriyey in ay ka qayb qaateen shaqadan ama xilkan adage e hogaanku dhabarka u ritay.

Waxaana hubaal ah in hogaanka laga dhex heli karo dhaliilo badan oo ku aadan shaqadooda intii cayinayd ee ay jireen, waxaase isweydiin mudan maxaa maamulkan yagleesha ah ka horeeyey oo la barbar dhigi karaa.  Jawaabta runta ahina waa waxba maadaama aanay goboladani wax maamul ah oo iyaga magacooda ku hadla hore u lahayn.

Waxaa kale oo dadka mucaaradka ku ah hogaanka balse aan ka fogeyn fikirka gooni isu taaga gobolada SSC la farayaa in ay xiligooda sugaan ee aanay shaqo ka dhigan in ay bur buriyaan maamulkan yagleesha ah ee hamiga balaadhan ay u hayaan dadka ku dhaqan goboladani.

Waxaa kale oo ah wax aan la ilaawi karaynin in ka hor intii aan maamulkan la dhisin ay dadka goboladan ku dhaqani u qaybsanaan jireen kuwa u dooda ama u hadla labada maaamul ee S/land iyo P/land balse maanta ay yeesheen maamul u gaar ah oo aad doodiisa ka dhex arki karaysid dhamaan goobaha la isugu yimaado ama lagu kaftamo ee gudaha gobolada SSC.

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday