gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Tan iyo intii uu madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole la wareegay hogaanka dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaa isa soo taraya xadgudubyada iyo cabudhinta lagu hayo saxaafadda xorta ah ee ka hawl gasha Puntland, hadday yihiin kuwa gudaha ama wariyayaasha wakaaladdaha iyo idaacadda dibadda uga soo warama deegaanada Puntland.

Waxaa cad in maamulka Faroole uu sas iyo xasaasiyad ka qabo saxaafadda xorta ah. Awaamiirta ay hadda wasaaradda warfaafinta ee Puntland ku mamnuucayso in saxaafadda Puntland faafiyaan wararka mucaaradka Puntland, waa arrin si cad xadgudub ugu ah xoriyadda hadalka ee uu jidaynayo dastuurka Puntland.

Waxaa muuqata in maamulka Faroole uu colaad weyn u hayo saxaafadda xorta ah ee ka hawl gasha Puntland. Waxaa mar walba soo ifbaxaya dhacdooyin iyo xad gudubyo is daba joo ah oo ay xukuumadda Puntland kula kacayso saxaafadda madax bannaan.

Waxaa dad badan la yaab ku noqotay in madaxweyne Faroaanole  oo muddo badan ku noolaa qurbaha, islamarkaana qyskiisu gacanta
ku hayo qaybo ka mid ah warbaahinta Puntland, aadna uga warhaya hannaanka ay saxaafadda xorta ahi u dhaqanto iyo kaalinta ay kaga jirto dawlad wanaagga iyo ilaalinta hab dhaqanka dawladnimo, uu xilligan dagaal aan gabbasho lahayn ku qaaddo saxaafadda.

Waxaa caado u noqotay muddooyinkan dambe in madaxweyne Faroole iyo maamulkiisu ay had iyo jeer  saxafiyiinta xabsiyada u taxaabaan ama shaqada ka joojiyaan, iyagoo ugu marmarsiiyoonaya in qof  aanay raali ka ahayn maamulku ay wareysteen ama war aanay jeclaysan ay baahiyeen.

Tacadiyadan oo ah kuwo taxane ah oo soo noqnoqda ayaa waxaa ugu dambeeyay xadhiga loo geysta dhawaan agaasimihii idaacadda Horseed Media md.Cabdifataax Jaamac Mire, iyadoo si degdeg ah oo aan sharciga waafaqsanayn loogu xukumay 6 sano xarig ah.

Waa nasiib darro halkii ay dawlad goboleedka Puntland wax ka qaban lahayd dhibaatooyinka la soo darsay waayadan dambe in ay xalka ka raadiso marino khaldan oo sumacad xumo mooyaane wax kale oo ay ka faa’idayaan aanu jirin.

Khataraha soo wajahay Puntland waxaa haboon in maamulku la yimaadoo tabihii uu kaga badbaadi lahaa, halka uu ka sii abuurayo dhibaatooyin kale oo sii murginaya xaaladda ka aloosan Puntland.

Waa in Faroole iyo maamulkiisu aqoonsadaan in xilligii ammaanta iyo buunbuuninta mas’uuliyiinta laga soo gudbay, saxaafadduna ay tooshka ku ifin doonto dhacdo kasa oo u qalanta in laga waramo maamulku ha jeclaado ama ha necbaadee.

Ismail A. Hassan (Khaliil)
Email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday