gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Shir albaabadu u xidhanyahiin isla markaan laga mamnuucay saxaafada oo ay ku kulmayeen dhamaan madaxda hogaanka midnimada iyo badbaadada, golaha khusuusida, golaha Garaadada iyo dhamaan dadka sida tooska ah ugu ololeeya maamulka SSC ayaa maalintii labaad ka socoda magaalada Dharkayn-Geenyo oo dhanka bari kaga beegan magaalada Buuhoodle.

Shirkan oo qodobada lagaga hadlayo hore loo sii shaaciin looguna talo galay in uu in mudo ah ka socdo magaaladaa ayaa waxaa la saadalinayaa in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo wax lagaga bedelayo habsami u socodka hawlaha hogaanka iyo golayaasha uu ka tirsanyahay maamulka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Hogaanka maamulkan iyo golahiisa Khusuusda oo dhamaantood ku sugnaa magaalada Buuhoodle ayaa mar uun si kediso ah maalintii khamiistii uga ambabaxay magaalada iyaga oo fooda saaray magaalada Dharkayn-Geenyo.  Waxaa kale oo magaalada ku soo qulqulayey wufuud kale oo ka kala imaanaysey dhamaan magaalooyinka uu ka tirsanyahay maamulka SSC.

Waxaana la filayaa shirkaa in lagu lafo guro wax qabadkii hore ee uu hogaanku ku dhaqaaqay intii uu dhisnaa iyo dhamaan qodobada looga baahanyahay in uu hogaanku ku dhaqaaqo sixidooda.  Waxaa kale oo la filayaa in ay shirkaa ka soo baxaan qodobo loo midaysanyahay oo soo afjaraya dhamaan khilaafyadii yar yaraa ee soo food saaray hogaanku inta uu dhisnaa.

Waxaa kale oo dadka qaarkii isla dhexmarayaan in shirkaa lagu soo bandhigi doono qodobo cusub oo xaga siyaasada wax weyn ka bedelaya hogaanka midnimada iyo badbaadada ama guud ahaan gobolada SSC oo la doonayo in lagu ansaxiyo shirkaa albaabadu u xidhanyahiin.

Ariamahaas oo dhana waxaa la filayaa in ay kala cadaadaan maalmaha fooda inagu soo haya, xiiso badana laga yaabo in ay gelin doonaan dadweynahii sida habsamida la hore u soo dhaweeyey hogaanka gobolada SSC.

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday