Sheekh Atam oo Dib ula wareegay GalGala
Maxamed Siciid Atam dib ugula wareegay degmada GalGala ee ay horay
gudaha ugu galeen Malayshiyaadka Faroole. warka aanu helayno ayaa ah mid
sheegaya in Sheekhu uu weerar culus ku soo qaaday saaka waa barigii
afar Jiho oo ah Magaalada GalGala taasina ay dhabada u xaadhay in
GalGala ay gudaha u galaan Ciidamada Deegaanka galbeeka bari.
Ilo wareed kale ayaa sheegaya in ay horay dib uga durkeen Ciidamada Deegaanka Sheekh Atam ay saaka ku soo waa bariisteen Ciidamo cusub oo la sheegay inay ahaayeen gurmad dhanka
Bari Sheekha uga yimi dagaalka ayaa wali ka socda Toga Sugure iyo afka hore ee Degmada Galgala.
Waxana walaac xun laga muujiyaybBadbaada Ciidamadii PL ee
gudaha GalGala ku Jiray kuwaasi oo go’doon adag ku Jira. Lama Sheegin wali khasaare laakiin warar hor dhac ah ayaa sheegaya inuu dagaalku socdo wali Xukuumada PL ay Gurmad ka dalbatay Ciidmaadaku sugan xadka Gobolka Mudug.
Sheekh Maxamed Siciid iyo Ciidanka ayaa dadka siyaasada lafa gura
ama arimaha daagaalada ku xeel dheeri sheegayaa inuu Sheekhu sameeyay istaraatiijiyad cusub oo dhanka dagaalka madaaba ay dib ula wareegeen saldhigii hore ee dhanka Bari xigay
Xigasho: allsanaag.com

