gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Waxaa degaanada hoos yimaada gobolka Cayn ilaa shalay ka bilowday qas lagu qafaalanayo gaadiid xamuul oo raran oo u kala gooshayey gobolada dalka Soomaaliya.  Gawaadhidaa la qabsaday ayaa waxa ka mid ah laba shalay lagu qabsaday agagaarka magaalada Dandan iyo mid xalay lagu qabsaday magaalada Sooljoogto.

Qaskaa oo markii hore lagu eedeyey ciidamada hogaanka midnimada iyo badbaadada gobolada SSC ayaa hadan waxaa soo baxaya in ay ka danbeeyeen shikhsiyaad mucaarad ku ah hogaanka oo la cadaynayo in ay abaabuleen qaskan loogu talo galay in sucmada lagaga xumeeyo gobolada SSC.

Dadkaa abaabuley  fidnadan una uruursaday ciidamo u fuliya arimahan siyaasadaysan ayaa waxa la sheegayaa in dabada ku hayaan maamulka Soomaalidiidka ah ee ka taliya magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaateen mashruucan khalkhal lagu gelinayo goboladan SSC.

Arimahaa markii laga war helayna waxaa hogaanka gobolada SSC markiiba diray ciidamo loogu talo galay in ay soo afjaraan arimahan budhcadka ah ee ay soo abaabuleen dadka niceb midnimada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxaana hada gaadiidkaa lagu soo waramayaa in ay isugu jiraan wax gacanta lagu dhigay iyo wax budhcadii qafaalatay lagu horfadhiyo dagaalo goos goos ah oo ilaa shalay dhex marayey dadka gaadiidka qafaashay iyo ciidamada hogaanka kadib.

Waxaa kale oo lagu daba jiraa ama la doonayaa in dadka gobolka Cayn ku dhaqan la hor keeno ama loo cadeeyo dadkii arimahan ka danbeeyey ee ciidamadan budhcada ah agaasimay kuna bixiyey kharashka la doonayo in amaan xumo xaga gaadiidka ah lagu beero wadooyinka dhex mara gobolada SSC ee uu ka mid yahay gobolkan Cayn.

Shikhsiyaadkan sida hada wararku sheegayaan waa kuwo la garanayo magacyadooda iyo goobaha laga adeegsanayo ee ay ka soo qaateen mashruucan loogu talo galay in wax lagu yeelo sucmada dadka ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxii arintan ka soo hor yeesha iyo magacyada hantida ku bixinaya fidnada lagu hagardameynayo dadka masaafurka ahaba waxaanu isku deyeynaa in aanu idiinku soo gudbino sida ugu dhakhsaha badan ee ay nagu soo gaadhaan.

 

Buhodle.net

 

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday