Baaq: Beesha Cigaal Naaleeye (SSC)
Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Cigaal Naaleeye.
Ku: Hogaanka Midnimada Iyo Badbaadada SSC
Og: Golaha Garaadada SSC
Og: Gollaha Khusuusida SSC
Og: Odayaasha Degaanka
Ujeedo: Kalsooni Kala Noqosho Xildhibaan
Taariikhdu markay ahayd Aug 10, 2010 waxaa shir isugu yimid waxgaradka iyo odayaasha Beesha Cigaal Naalleeye magaalada Buuhoodle, gobolka Cayn. Shirkaasi waxa uu guddoonsaday arimahan hoos ku qoran.
1. Waxay beeshu kala noqotay xasaanadii xildhibaanimo ee uu u hayey kursigii Guurtida beesha Cigaal naaleeye maamulka SSC Mudane Saleebaan Aadan Cilmi kadib markii uu ku talaabsaday arrimo liddi ku ah danaha beesha ka soo horjeeda xeerkii iyo shuruucdii uu ugu jiray uguna metelayey Beesha uu ka tirsanaa isla markaana aanay beeshu waxba kala socon arrintaas gurracan ee uu ku talaabsaday.
2. Sidaas darteed Beeshu waxay usoo magacaabatay mudane Axmed C/llaahi Hangool in uu kursigaa xildhibaanimo u metelo maamulka SSC golahiisa khusuusida . Haddaba waxaa la ogaysiinayaa ciddii qaraarkani khusayo inay sidaas ula socdaan.
3. Waxay beeshu ka cudur daaranaysaa isla markaana raalli gelin buuxda ka bixinaysaa ficilada Saleebaan Aadan Cilmi uu ku kacay. Ninkaas oo ay hadda beeshu xilka iyo xasaanadii kala noqotay maadaama uu ku kacay tallaabooyin ka dhan ah danaha beesha ama waafaqsanayn arrimihii ay beeshu u igmatay inuu wakiil uga noqdo maamulka SSC.
Waxaannu mar kale la socodsiinaynaa cidda ay khusayso ogeysiiskani inay sidaas ula socdaan una hirgaliyaan baaqaas ay beeshu soo saartay.
Caaqil Xaaji Ismaaciil Muxumud Gurux (kooreeye)
Caaqilka Beesha Cigaal Naaleeye.

