gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Ergayga Qaramada midobey u qaabilsan dalka Soomaaliya mudane Augustine Mahiga oo ka hadlayey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in hayadaha qaramada midoboy dib xafiisyadooda looga furayo dalka Soomaaliya.

 

Xafiisyada hayadaha Qaramada Midobey (UN) ayaa ka guuray magaalada Muqdisho sannadkii 1993 arimo xaga nabad gelyada la xidhiidha awgood, iyaga oo markaa u daad gureeyey shaqaalahooda magaalada Nairobi.

 

Iyada oo maanta xaalka nabadgelyo ee magaalada Muqdisho ka sii xunyahay markii ay ka guureen ayaa hadan waxaa ergayga qaramada midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya balan qaaday in xafiisyadaa dib looga furi doono dalka gudahiisa mudo lixidan maalmood gudaheeda ah.

Waxaa kale oo mudane Augustine Mahiga cadeeyey in ay fadhiyo kale oo rasmi ah ku yeelan doonaan labada maamul ee ka dhisan woqooyiga Soomaaliya ee Puntland iyo Somaliland.

Arimahan dib u soo celinta xafiisyada Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegamay iyada oo xaalda nabadgelyo ee dalka Soomaaliya aad moodid in ay ka sii xumaanayso, xaalada siyaasadeed ee dalkuna sii cakirmayso.

Waxaase hubaal ah in xafiisyadaa dib loogu soo celinayo dalka Soomaaliya ay shaqooyin tayo leh ku soo celin doonaan dalka iyada oo hada xafiisyadaa badankooda ay ka shaqeeyaan dad ajinebi ah oo u badan dad u dhashay dalka Kenya.

Iyada oo ay yaraanayso in dadkaa u dhashay dalalka kale aanay naftooda ku soo haligi doonnin oo shaqo ka soo raadin doonin dalka Soomaaliya oo xaaladiisa iminka aduun weynahu la wada socodo.

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday