Dagaal dib uga bilowday Galgala oo ka tirsan gobolka Bari
Dagaal culus oo beryahaaba la saadalinayey ayaa saaka subaxnimadii hore ka bilowday agagaarka magaalada Galgala oo beryahaaba ay isku hayaan maamulka Faroole iyo ciidamo degaankaa u dhashay oo uu madax ka yahay ninka lagu magacaabo Maxamed Siciid Atam.
Dagaalkan oo lagu soo waramayo in uu geysta khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaadhay ciidamada ka soo jeeda labada garab ayaan hadan la cadayn karin inta qasaarahaasi leegyahay iyada oo labada dhinacba sheegeen in ay soo hoyiyeen guul wax ku ool ah.
Waxaa kale oo ayaamahaaba la isla dhex marayey khilaaf ka dhashay qaadista dagaalkaa oo u dhexeyey maamulka Puntland, madaxweyne Faroole iyo ku xigeenkiisa C/samed Cali Shire ayaa ah raga ku adkaystay in dagaalkan la qaado halka wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaa oo ka soo jeeda degaanka Janaraal Ilko Jiir uu ka door biday wada hadal mashkiladan lagu xaliyo.
Dagaalkan oo dad badani u arkaan mid wejiyo badan ka muuqdaan ama isu beddeli kara ayaa maamulka Faroole ku adkaystay in ay la dagaalamayaan koox argaxiso ah oo xidhiidh wanaagsan la leh dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ka dagaalama.
Dhanka kale Maxamed Siciid Atam iyo kooxdiisu waxay cadeeyeen in aanay ururkaa Al-Shabaab wax xidhiidh ah lahayn balse ay difaacayaan dhulkooda oo maamulka Puntland doonayo in uu khayraadka ku jira si fool xun u bililiqaysto, iyaga oo u jeeda degaanka lagu magacaabo Majiyahanka oo dagaal hore ka dhacay laguna sheegay in laga helay macdan qaali ah oo dadka qaarkoo ku tilmaameen Dahab.
Waxaa iyana soo shaac baxaysa in dagaalkani uu durbaba isu beddelayo ama ku socodo inuu loo dhigo qaab Qabiil maadaaba wasiirka arimaha gudaha oo degaankaa ka soo jeedaa uu si toos ah u diiday wax dagaal ah aadna ugu adkaystay in la furo wada hadalo. Sidaas oo kale ayaa cuqaasha iyo Garaadada degaankaasi mudo hada laga jooga todobaad si cad uga soo horjeesteen in dagaal lagu xaliyo arinta ka soo cusboonaatay degaanka Galgala.
Dagaalkan maanta dib uga bilowday degaanadaasina waxaa hubaal ah in uu dhib cusub ku soo siyaadin doono maamulka Puntland oo beryahabaa sidii madaxweyna Faroole u qabsaday in wax ka sii dhacaan mooyaane aan wax ku soo kordhay oo wanaag ah ilaa hada la haynin.
Buhodle.net

