gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Aniga oo ah Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) waxan idiin soo gudbinayaa gabay aan u dirayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole.

Gabaygan waxan tiriyey ka dib dagaallada ka aloosmay Puntland, kuwaasoo la qaboojiyey oo odayaasha degaanku u guntadeen, laga soo yaabo inay dib u qarxaan. Waxa xusid mudan in Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya hub iyo saanad u soo dirtay maammulka Garoowe.

Waxan uga digayaa madaxweyne Faroole shirqoolka lala doonayo in Puntland lagu dumiyo. Gabaygiina sidan buu ku bilaabmayaa: Akhris wanaagsan.

Faroolow waxaan kaaga digi dabin colaadeede
Dayaca koonfureed buu Shariif soo dawinayaaye
Daabbaddaa la soo raray Hartaa lagu dubaaqayne
Dulmigiyo inkaarada ka carar nabaddu waa doore

Duullaan Galgala lagu baxshiyo damaca hoos yaalla
Duhur weerarkaa shalay Caddaa loogu daw galaye
Dambas lama dugsado iyo walaal dooxatada jaane
Duufaankii Xamar baaba’shay kugu dagaayaane

Dambiishiyo dhitada kuu dedane darinta kuu yaalla
Doobigaaga buuxaa nin kale daadi leeyahaye
Dalkeennaa barwaaqada ahee beeshu wada daaqdo
Dambaaburiyo olol lagu shidaa loo dan leeyahaye

Puntland duruufaha jiriyo xaalkan degi waayey
Doorroone oday iyo waxgarad laysku wada duubay
Isin daadahshoo nabadda jira kuma dedaaleene
Dulqaadka iyo gobannimadu waa dhaxal da’weynaaye

Atam iyo dariiqada Galgala maaha deyn qolo’e
Alshabaabna duub uma xidhine daacaddii qire’e
Degaankiisii buu doonayaa inuu difaacdaaye
Haddaan lays dafirihayn cid kale dooxya muu geline

Afartaasi waa dood oon furay deelka maansada dheh
Dawan nabad ku baaqiyo wanaag deeqsi hadalkii dheh
Dawaaraha israaciyo murtida dadab dhiggeedii dheh
Afarkalena daabaan gobeed dacawigeedii dheh

Dadku waa dad nabadeed haddaan laysku dirahayne
Dalku waa dal nabadeed Buntlaan oo is daasade’e
Waa tol isu daacada hadday dani timaaddaaye
Hoggaankii laguu doortaybaan xil u dedaadalayne

Dawlad inaad hagtaa bay ahayd dalal heshiisaane
Dummaddaada Soomaalinnimo wada dabiibtaaye
Danyartii kolkaad didisey iyo maato kula deyra
Damacaaga laga yaab haddaan lasku diganayne

Dalku waa dal khayraadka yaal deeqo aadmiga’e
Darkase lama wadaagine bahdaa baa duxdii cunaye
Dulmi niman tirsanyoo wax badan samir ku daadduumay
Dibindaabyo inaad ugu dartaa ma aha dawgaayee

Nin damiirle lama soo shireen muusannow darane
Dadweynaha mindiyo uma direen la isku dooxaaye
Dabka iyo madaafiicda ba’an uguma diiqiine
Dafaar uguma baaqeen inay Dhahar duqeeyaane

Dabaabdaha iyo xoogganaad Laag u daabulaysid
Dooyada aad Eyl, Garacad iyo Gaalkacyo u doontay
Kalluun dabatadii kolay ku tahay daafta Bari joogay
Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid.

 

Waxaa gabaygan curiyey Maxamuud Axmed Cabdalla (Shiine)

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday