gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Warar Hoosaad ah oo ay heleen Shabakaddaha Warbaahinta Soomaalida ayaa sheegaya in dowladda KMG Soomaaliya ay u dirtay Maamul goboleedka Puntland diyaarad siday saanad militari oo aad u farabadan.

Sida Shabelle ay u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka mid ah dowladda KMG Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Muqdisho iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo iyana jooga Magaalada Garoowe, Waxaa dabayaaqadii isbuucii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka baxay diyaarad wadey saanad militari oo la sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay u dirtay Maamul goboleedka Puntland.

Masuuliyiinta warkaani Shabelle u xaqiijiyay oo codsaday in aan magacooda la shaacin ayaa intaasi ku daray in Diyaaradaasi isbuucii hore ay ka degtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe, waxaana ay tilmaameen in loogu talagalay hubkaasi in lagu xoojiyo dagaalada Maamulka Puntland uu kula jiro Dagaalyahanada uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam oo masuuliyiinta Puntland ay la xariiriyaan in uu ka tirsanyahay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Hubka ay u dirtay dowladda KMG Soomaaliya Maamulka Puntland oo Xadiga uu dhanyahay aan la ogeyn ayaa waxaa magaalada Garoowe gaarsiiyay dhowr xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya, kuwaasi oo maalmo ka hor hubkaasi diyaarad uga qaaday Magaalada Muqdisho.

Arintaani ayaa waxaa durba ka warheley mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya, kuwaasi oo sharci daro ku tilmaamay talaabadaani ay sida hoose u qaaday Xukuumada KMG Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in maalmaha soo socda ay ka hadli doonaan islamarkaana ay hordhigi doonaan mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Puntland oo ku aadan Saanada Militari ee dowladda KMG Soomaaliya u dirtay si ay ugu xoojiso dagaal ay la galaan dagaalyanahanada hubaysan ee ku sugan qaar ka mid ah buuraha Puntland islamarkaana uu hogaamiyo Wadaadka lagu magacaabao Max’ed Saciid Atam.

Arintaani ayaa imaaneysa xili dhawaan madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Max’ed Faroole uu wacad ku maray in deegaanada Puntland uu ka tirtiri doono hogaamiye Max’ed saciid Atam iyo ciidamada uu watto kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan falalka amni darida ah ee ka jira deegaanada Puntland.

Xigasho Shabelle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday