gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Tariq Casiis ooh ore u ahaan jiray Rayasal wasaarahii dowladii Saddam Xuseen ee dalka Maraykanku burburiyey ayaa waraysi uu xabsiga gudahiisa ku bixiyey ku eedeeyey xukumuda madaxweyne Obama in uu ciraaq imanka doonayo inuu uga tago dugaaga ka dib markii uu caadeeyey in Maraykanku uu ciidamadiisa kala baxayo.

Waraysi uu siiyey Jariirada lagu magacaabo Gaidian ee ka soo baxda dalka Ingriiska maalintii Jimcahii ayaa mudane Tariq Casiis dowlada Maraykanka ugu soo jeediyey in ay joogaan Ciraaq si ay u saxaan khaladaadkii ay sameeyeen tan iyo sanadkii 2003.

Anaga oo dhan baa dulmiyan, waxaana na dulmiyey Maraykanka iyo Ingriiska ayuu yidhi Taariq Casiis isaga oo ka hadlaya xabsiga uu ku xidhanyahay ee ku yaala magaalada Baqdaad oo hada ku jirey mudo todoba sanadood ah.

Waxay u burburiyeen dalkayagii noocyo badan,  markaad wax burburiso maah inaad dhuumatid ee waa inaad khaladkaagii saxdaa oo aanad Ciraaq bohoshaad ku riday kaga tegin ayuu yidhi isaga oo Taariq Casiis hadalkiisii sii wata.  Hadalkaasina waxa uu ka danbeeyey kadib markii madaxweynaha dalka Maraykanku ee todobaadkii la soo dhaafay sheegay in uu ciidamadiisu dalka Ciraaq ka baxi doonaan bisha Ogos 31 ee fooda inagu soo haysa.  Hadalkanina Obama wax uu ku soo beegmay bishii ugu dhimasha badnayd dalka Ciraaq labadii sanadood ee la soo dhaafay.

Tariq Casiis waxa kale oo uu waraysigaa si toos ah ugu difaacay madaxweynahii hore dalkaa Ciraaq Saddaam Xuseen isaga oo sheegay in wadamada reer galbeedka ee Maraykanku ka mid yahay ay ka khaldanayeen.  Waxa kale uu sheegay in Saddam Xuseen aanu wax been ah sheegin uuna ahaa nin uu aad u tix gilin jiray aadna u jeclaa, taariikhduna baal dahab ah ku xusi doonto dalkiisan wax weyn u qabtay.

Tariq Casiis waxuu yidhi Saddam Xuseen dalka Ciraaq soddon sanadood ayuu dhisayey, iminkana wadamada reer galbeedkaa buburiyey, xiligii Saddam joogeyna maanta ayay in badan ka liidataa.

Dadkii reer Ciraaqna waxaa kala goostay gaajo, cudur iyo maalin walba si micino daro ah boqolaal ka mid loogu laynayo laguna dhibayo wadooyinka magaalooyinkooda.

Bishii July ee la soo dhaafayna waxaa dalkaa lagu dilay 535 qof oo 396 qof ay shicib yihiin, 89 qofna ay Booliis yihiin halka 50 qof ay ahaayeen ciidanka dalkaa.

Taariq Casiis oo 73 jir ahaa ninkii ugu afka dheeraa uguna caansanaa maamulkii Sadam Xuseen waxa uu ciidamada Maraykanka isu dhiibay bishii Abril 2003.  Taariq Xuseen waxaa raswasaaraha dalka Ciraaq loo doortay sanadkii 1991 intaa ka horna waxaa uu ahaan jiray wasiirka arimaha debedda ee dalkaa.

Ninkan sanadkii 2009kii ayaa waxaa xulufada ka talisa wadanka Ciraaq ee Maraykanku taageeraa ku xukuntay 15 sanadood dill lagu eedeeyey awgeed iyo 7 sanadood oo dheeraad ah oo loogu daray qaxintii dadka Kurdhishka ah oo lagu eedeyey in uu ka qayb qaatay.

 

Buhodle.net

 ( waxaanu ka soo turjunay Aljazeera.net)

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday