gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Shir la garan waayey wax loogu talo galay oo maanta lagu wadey in uu ka dhaco magaalada Xaadhadhanka oo masaafo dhowr iyo labaatan kiilomitir kaga beegan dhanka galbeed magaalada Buuhoodle ayaa fashilmay kadib markii dadkii magaalada u dhashay ka shakiyeen mawduuca kulankaa qarsoodiga ah ee aan cidna hore loogu sii sheegin.

Dadkii shirkaa ka soo horjeeday ama ka shakisanaa waxay magaalada ka sameeyeen qalaalse aad u balaadhan oo la isku waydaarsaday rasaas aad u fara badan oo sida lagu soo waramayo aan wax dad ah wax ku noqon.

Shirkana sida lagu soo waramayo waxaa ku kulmi lahaa odayaal ka soo kicitamay maamulka Somaliland iyo odayaal degaanada SSC ka soo jeeda balse xidhiidh hoosaad la leh maamulka Soomaalidiidka ah ee ka arimaya magaalada Hargeysa.

Wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya magaalada Xaadhadhana waxay sheegayaan in shirkaasi fashlimay fursada uu u qabsoomayaana ay aad u yartahay ama quus iminka laga taaganyahayba.

Dadka magaalada degan ee aanu xidhiidhka la samaynayna waxa noo sheegeen in dadku aad iyo aad uga xanaaqeen shirka aan qaban qaabadiisii iyo abaabulkiisa midna aan dadka degaanka ku dhaqan aah wax talo gelyo ah laga siin laguna casuumay masuuliyiin ka soo jeeda maamulka Soomaalidiid ah ee xabadu u dhaxayso dadka ku dhaqan gobolada SSC.

Waxaana dadkaasi intaa raaciyeen in waxii magaalada ka dhacay dusha loo saarayo ama ay masuuliyadeeda qaadayaan dadkii shir hoosaadkaa soo qaban qaabiyey nuxurkiisana ama mowdiiciisana ka qariyey dadweynaha ku dhaqan magaaladaa.

Waxaa iyana magaalada Buuhoodle hada ka baxay gaadiid door ah oo ku sii jeeda magaalada Xaadhadhan una socda in ay soo hubiyaan waxa ka dhacay magaaladaas.

Waxii war ah ee arintaa ka soo cusboonaadana kala socoda Buhodle.net

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday