Dalka Kenya oo maanta u dareeray inay bedelaan Dastuurkoodii hore
Dastuurka cusub ayaa arimaha ugu mihiimsan ee ka dhex muuqan doona ay ka mid yihiin xaddaada awooda madaxweynaha iyo guud ahaan dowlada dhex ee dalkaa, musuq maasaqa, dhulka oo si xaqa loo qaybsado iyo arimaha qabyaalada oo dalkaa marar farbadan oo hore qabiiladu isku fara saareen.
Waxaa kale oo xusid mudan in dastuurkan cusub awooda dowladnimada la gaadhsiin doona heer degmo oo degaan waliba si toos ah uu u heli doona qaybta maaliyadeed ee uu xaqa u leeyahay isla markaana degmo waliba hantidaa iyadu marayn doonto.
Waxa kale oo dadka Muslinka ah ee dalka Kenya u dheer in ay yeelan doonaan maxakabad Islaami ah oo ka shaqayn doonta arimaha qoyska, dhaxalka iyo waxyaabaha la mid ka ah ee u gaarka ah dadka Muslinka ah ee ay ka mid tahay Soomaalidu ee ku dhaqan dalkaa.
Gobolka Woqooyi Bari ama NFD ee dadka Soomaalid ah ku dhaqanyahiin ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay yeelan doonaan dhowr iyo toban degmo halka ay markii hor lahayeen labo degmo oo keliya. Waxaana la cadaynayaa in degmo walba oo gobolkaa ka mid ah ay yeelan doonto hadii tastuurkan lagu guulaysto gudi degaan oo awood badan iyo gudoomiye laga dooran doono degmadaa.
Waxaana sida la saadalinayo hadii dastuurkan lagu guulaysto la filayaa in dadka Soomaalida ah ee dalkaa ku dhaqani iyo gobolka Soomaaliduba yeelan doonaan xuquuq dheeraad ah oo aanay hore uga helin dalka Kenya.
Waxaa kale oo dastuurkani si toos ah u xakamayn doonaa Booliiska dalka Kenya oo hada lagu tilmaamo in uu ka mid yahay ciidamada nabadgelyada ee aduunka ugu musuqmaasaq iyo isdaba marinta badan laaluusha badana ka qaata dadka qoxoontiga ah ee hada ku nool dalkaa.
Madaxweynaha dalkaa Mwai Kibaki iyo Raswasaarahiisa Raila Odinga ayaa labaduba taageersanayahiin tastuurkan cusub una ololaynayaan, iyada oo labadan nin ay ka soo kala jeedaan labada qabiil ee ugu badan dalkaa.
Waxaa iyana la ilaawin karin iska hor imaadkii ka dhacay doorashadii ay iska hor yimaadeen labadan nin qaska aad u balaadhan geliyey dalka Kenya sanadkii 2007kii taas oo ay ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay 1300 oo u badan shacabka dalkaa.
Dastuurkanina waxaa loogu hanweynyahay in uu ka hor tago mashaakilaadkaa siyaasadeed ee hore dalkan uga dhacay sida kaa dadka badani ku nafta waayeen ee dhacay sanadkii 2007kii.
Buhodle.com

