gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Waxaa maanta magaalo madaxda gobolka Cay nee Buuhoodle goob fagaare ah xaflada aad loo soo abaabulay oo loogu talo galay soo dhaweynta xildhibaanadii ka soo kicitimay magaalada Garoowe ee maamulkaasi ku eedeyey in ay xidhiidh la leeyahiin hogaanka midnimada iyo badbaadada gobolada SSCda.

 

Masuuliyiinta lagu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle ayaa waxay kala yihiin mudane C/rashiid Saleebaan Geele, Cabdi Cagaagane iyo Axmed Faracade oo dhamaantood hore uga tirsanaan jiray xildhibaanada maamulka Puntland.

 

Sadexdaa Masuul oo fagaaraha lagu ciyaaro kubada cagte ee loo yaqaano Xabado ka soo jeediyey hadalo aad u qiimo badan ayaa dhibka maanta maamulka Puntland ka jira dusha ka saaray ninka madaxweynaha ka ah maamulkaa C/raxmaan Faroole oo ay ku tilmaameen fidnada degaanadaa kala firdhisay.

Masuuliyiintaa oo hadalkooda isugu jiray xog waran iyo dhiire gelin ayaa waxay kale oo u mahad celiyeen dadweynaha ku dhaqan ama weli hoos taga maamulka Puntland, iyaga oo dadweynahaa ku tilmaamay kuwo aan raali marnaba ka ahayn siyaasada qalfsan ee madaxweyne Faroole.

Waxayna masuuliyiintaas ku boorisay dadweynahii fagaarahaa isugu yimid in ay ilaashadaan midnimadooda xoojiyaan hogaanka midnimada iyo badbaadada ee iminka yagleesha ah oo ay yidhaahdeen waa ka keliya ee lagaga bixi karo kala jiidashada la kala jiidanayo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sadexdaa masuulna waxay iyaga oo hadalkooda isu bed bedelaya shegeen ama cadeeyeen in aan maamulka uu madaxda Faroole ka yahay aanu marnaba u maqnayn gobolada SSC xag talo iyo xag dhaqaaleba loona baahanyahay in si toos ah looga tashado.

Waxaa kale oo goobtaa hadalo aad u qiimo iyo dhiirigelinba leh ka soo jeediyey dad kale oo badan oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta ugu saraysa hogaanka midnimada iyo badbaadad iyo odaasha gobolada SSC ee hada ku sugan magaalada Buuhoodle.

Waxaa iyana goobtaa laga tiriyey heesho, geeraaro iyo gabayo dhamaantood ku saabsan xaalada maanta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku sugan yahiin iyo sidii looga bixii lahaa marxalada maanta degaanada soo food saartay.

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday