Hogaanka gobolada SSC oo magacaabay masuuliyiin cusub
Hogaanka midnimada iyo badbaadada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ayaamahii ugu danbeeyey ku jiray dardar dheeraad ah oo ay doonayo in uu ku horumariyo shaqooyinka hore loogu idmaday. Hogaanku waxa uu dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey magacaabay dhowr xil oo kala duwan oo qaarkood yihiin masuuliyiin sar sare.
Waxa uu hogaanku dhowr maalmood dib ugu ansaxiyey xilkii hor loogu magacaabay Gaashanle Sare Yaasiin Cali Tamaad oo isaga hor loogu idmaday madax difaaca hogaanka gobolada SSC. Halka mudane Tamaad aad iyo aad u soo dhaweeyey arintaa hawshiisiina si deg deg ah markiiba ula wareegay.
Waxaa kale oo maalintii shalay ahayd iyana loo magacaabay laba xil oo kala ah madax arimaha gudaha iyo madaxa dib u dejinta iyo gargaarka deg deg ah, waxaana labaad xil lagu kala magacaabay labada masuul ee kala ah mudana C/rashiid Barkhadle Warsame iyo mudana Ibraahin Ismaaciil Jabaan.
Dhamaan masuuliyiinta loo kala magacaabay xilalkan ayaa ah kuwo u qalma kana soo bixi kara masuuliyadan dusha laga saaray isla markaana dad weynaha gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay aad iyo aad u soo dhaweeyeen.
Hogaanka midnimada iyo badbaadada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxa kale oo u ku talo jiraa in uu magacaabo maalmaha fooda inaga soo haya dhamaan xubnaha kale ee weli ka dhiman maamulka hogaankan.
Waxaa kale oo maalintii shalay ahayd magaalada Buuhoodle aad iyo aad loogu soo dhaweeyey xubnihii sadexda xildhibaan ahaa ee todobaadkii la soo dhaafay maamulka Puntland ku eedeyey in ay xidhiidh la leeyahiin hogaanka SSC, shaqadoodana ku waayey marxaladaas.
Xildhibaanadaas oo hada si rasmi ah ugu soo biiray hogaanka midnimada iyo badbaadada gobolada SSC ayaa gamaco furan oo ehlinimo leh lagaga soo dhaweeyey degaanka gobolka Cayn.
Waxaan hubaal ah in aan soo dhaweynta masuuliyiintani noqon doonin tii ugu danbeysey balse ay wadada ku soo jiraan masuuliyin badan oo hore uga harjaday goboladan SSC.
Buhodle.net

