gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Waxaa dhawaan magaalada Buuhoodle soo gaadhay madax amaanka hogaanka midaynta iyo difaaca gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn mudan Yaasiin Cali Cabdille (Tamaad) oo bilahii ugu danbeeyey socodaal shaqo ku marayey meela badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Gaashanle Sare Yasiin Cali Tamaad oo si toos ah ula wareegay dhamaan ciidamada hogaanka ee ku sugan gobolka Cayn ayaa maalmahii ugu danbeeyey ku hawlanaa sidii ciidamadaas loo kordhin lahaa tayadooda luuguna samayn lahaa xeryo gaar ah oo lagu kobciyo aqoontooda ciidan.

Mudana Tamaad ayaa maalmahii ugu danbeeyey shirar goo goos ah la yeelanayey saraakiisha ciidamada ee ku sugan magaalada Buuhoodle ugana xogwaramayey socdaalkiisii uu ku soo maray magaalooyin badan iyo waxii uu kala soo kulmay.  Waxa kale oo Mudane Tamaad uu warbixin taas oo kale ah siiyey odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan gobolkan Cayn.

Waxaa kale oo Gaashanle Sare Tamaad socdaal shaqo ah uu maalintii shalay ku tigay jiida hore ee ay fadhiyaan ciidamada hogaanka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn halkaas oo uu aad ugu farxay waxa uu ku soo akay.  Waxa uu ciidamadaa jooga jiida horena ugu balan qaady  in hadii eebe idmo ay mudo yar ku noqon doonaan ciidamada ugu tayada badan ee ka jira dalka Soomaaliya.

Hogaanka midaynta iyo difaac gobolada SSC ayaa maalmahii ugu danbeeyey bilaabay dar dar dheerad ah oo ay ku xawli gelinayaan shaqooda ay u hayaan dadka ku dhaqan goboladan.  Waxaana todobaadkii dhoweyd hogaanku magaalada Buuhoodle ku magaacabay gudoomiyahii gobolka Cayn iyo weliba duqa magaalada Buuhoodle.

Waxaa kale oo sida la xaqiijinayo la filayaa in hogaanka midnimada iyo difaaca goboladani uu si deg deg ah u  magacaabi doono xubno kale oo mihiim ah oo la rabo in lagu dhamaystiro xubnahii hor loo balanqaaday in hawl wadeenada hogaanku ay ka koobnaan doonaan.

Arimahan oo dhan ayaanad moodaa in ay weji cusub oo aan hor loo arag ku kordhiyeen dhaq dhaqaaqa hogaanka gobolada SSC oo hadda fadhigiisa ugu weyni yahay magaalada Buuhoodle.

 

Buhodle.net

 

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday