Sanadguuradii 12 ee maamulka Puntland oo aan meelo badan laga xusin
Marxaladan ka dhacday magaalada Buuhoodle ayaa loo aanaynayaa kadib markii gobolka Cayn ay si toos ah ula wareegeen maamulka hogaanka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn kasbadayna dad weynaha ku dhaqan degaanka kadib marki maamulka Puntland uu si toos ah u lumiyey kalsoonidii shacabka gobolada uu ka mid yahay gobolkan Cayn.
Arintan goboladii hore uga tirsanaan jiray maamulka Puntland ay kaga sii fogaanayaan maamulka ayaa waxa sababteeda dusha laga saaray madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo degaanada maamulkaa dhex dhigay caqabado kala fogaynaya dadweynaha ku dhaqan goboladan.
Waxaa kale oo iyana markii ugu horeysay aan magaalo madaxda Garoowe si toos ah ama goob fagaare ah lagu xusin maalintaa arimo nabad gelyo awgeed, iyada oo weliba uu goobtaa qarsoodiga ah ka maqnaa madaxweynaha maamulkaa C/raxmaan Faroole.
Intii maamulkaa uu hayey madaxweynaha talada hayaana waxaa maamulka Puntland ku yimid arimo badan oo ay ka mid yihiin maamul xumo, nabadgelyo la’aan iyo iyada oo goboladii maamulkaasi ka tisanaan jiray qaarkood si toos ah kalsoonidii ugala noqdaan maamulkaas. Halka gobolo kalena ay weli gacanta ugu jiraan maamulka Soomaalidiidka ah ee ka taliya magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Faroole oo dadka qaarkii u yaqaanin “Kadare” ayaan iminkana u muuqan nin maamulkaa ku soo celin kara xasilooni nabadgelyo iyo mid isku xidhnaanshaba. Waxaana taa cadayn kara kadib markii uu todobaadkan gudahiisa gobolada Puntland qaarkood ku tilmaamay in argagaxiso caalami ah kala wareegtay.
Xaqiiq ahaana goboladaa uu ku eedeyey argagaxisada madaxweyne Faroole waa kuwo mucaarad ku ah maamul xumada uu madaxweynahaasi ku soo kordhiyey ama ku kala diray maamulkii hor loo odhan jiray Puntland.
Markaa hadii maanta maamulkii Puntland u kala qaybsamay gobolo la haysto, kuwo ka tashaday maamulkaa, kuwo uu ku tilmaamay argagaxiso iyo isaga oo si toos ah loogu eedeyey in uu gacan toos ah la leeyahay budhcadbadeeda caalamiga ah, waxaa hubaal ah in xukumadani ay ka laalaado gebi ama bohol aad iyo aad u khatar ah taas oo la hubo in aanay sannad kale ku jiri karin sidan.
Buhodle.net

