Hogaanka SSC oo gobolka Cayn u magacaabay maamul Cusub
Waxaa magaalada Buuhoodle maalintii Arbacadii ee bishan
Julay ahayd 29,2010 ka dhacay xaflada aad u balaadhan si aad u qiimo badana loo soo abaabulay isla markaana loogu talo galay in lagu dhaariyo maamulka hagi lahaa gobolka Cayn oo isug jira heer gobol iyo mid degmoba.
Maamulkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee noocan ah ee laga dhiso gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayna gacantooda ku soo dhistaan dadka ku dhaqan goboladan iyaga oo aan ka soo min guurinaynin maamulo kale ama degaano kale.
Xafladan ayaa inta aan la dhaarin maamulka gobolka Cayn waxaa qudbado aad u qiimo badan taabanayana marxaladaha kala duwan ee ka jira gobolada SSCda ka soo kala jeediyey hogaanka maamulka midnimada iyo badbaadada Saleebaan Ciisee Axmed Kaar iyo Garaadka guud ee gobolada SSCda Garaad Jaamac Garaad Cali.
Hogaamiyaha iyo Garaadkubana waxay dadka ku dhaqan gobolka Cayn ku booriyeen in ay maamulka cusub ee gobolka si daacad ah ula shaqeeyaan una arkaan munaasabadan mid taariikhi ah oo u soo hoyatay gobolka Cayn iyo guud ahaan gobolada Sool, Sanaag iy Cayn.
Waxay kale oo labada masuul cadeeyeen in aanay wax heshiis ah ama wada hadal haba yaraatee la yeelan maamulka Soomaalidiidka ah ee dhawaan laga doortay magaalada Hargeysa. Waxayna labada masuul hadalkoodii ka mid ahaa in aan nin dhulkiisa la haystaa wax wada hadali u banaanayn banaantahayna in marka hore ciidamada Soomaalidiidka ah laga safeeyo degaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Itaa kabacdina waxaa loo gudbay dhaarinta xubnahii loogu talo galay in ay noqdaan masuuliyiinta loo idmaday gobolka Cayn.
Waana sidan hoos ku xusan maamulka cusub ee gobolka Cayn, SSC, Somalia.
Gudoomiye gobolka Cabdirisaaq Muuse Faarax
Gudoomiye xigeen Cabdixaafid Cali Saleebaan
Iskuduwaha gobolka Keyse Cali Jaamac
Xoghayaha dowladaha Hoose Cabdi Jaamac Jiis
Masuuliyiinta loo magacaabay degmada Buuhoodlena waa sidan hoos ku xusan
Duqa degmada Axmed Ibraahin Kaarshe
Ku xigeenka degm Mustafe Xiseen Jibriil
Buhodle.net

