gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Fanaanadda weyn ee Saado Cali Warsame ayey Xukumadda Somaliland yaboohday inay siin doonto lacag dhan laba Milyan oo dollarka Mareykanka cidii khaarijisa,sidaasi waxaa lagu gorfeeyay shir laga yeeshay dagaalada ay goboladda SSC ka wadaan xoogag hubeeysan oo si weyn uga soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland.

Maamulaha Dahabshiil Abdi Rashiid Mohamed Ducaale ayaa la xaqiijiyay inuu labada Milyan oo dollar bixinaa.

Abdi Rashiid dhiigshiil wuxuu Saado Cali Warsame ku sifeeyay fidno ka shidaal qaadata Madaxweynaha Jibouti Ismael Omar Gelleh.

" Cidna kama baqno,waar wiilkii tan la leeyahay Saado khaarijiyo labada Milyan ee dollar haka qaato halka xafiiskeena dahabshiil ugu dhaw maxaa yeelay waa kansar,kansarkuna waa la jaraa"ayuu yiri Abdi Rashiid dhiigshiil.


Saado Cali Warsame oo la filayo inay todobaadkaan bandhig faneed ka sameeyso dalka Sweden ayaan la ogayn sida amaankeeda noqon doono .

Saado Cunaabi maaha qof baqa,waxay heeso aan gambasho lahayn ku qaaday kacaankii 21 sano ee Mohamed Siyad Barre oo xabsi geliyay,kuna xakumay toogasho.

Cunaabi waxay u hiilisay bulshada ku nool Somaliland gaar ahaan Isaaqa oo sanadihii 1988 si xun loogu garaacayay madaafiic laakiin sida muuqata Isaaqa uguma abaal gudin kaalintii ay ka mudneed.

Isaaqa oo Somalida u taqaan gobta bulshada ku hadasha afka Somaliga waxay ceebtoodu tahay sanafaad iyo seef la boodnimo ay ku milan tahay dulqaad xumo taas oo ku qasabta inay qofkii ay qalad yar ka tirsadaan iskugu tagaan ,iyagoo aan dib u xasuusaneyn wanaagii uu hore ugu sameeyay.

Isaaqa waxaa lagu sheegaa inay 45% yihiin dad cunsuriyada madax martay inkastoo ay ka mid yihiin dad wanaagsan oo taariikhda bulshada ku hadasha afka Somaliga kaga jira baal dahaba

Saado waxay ka dhalatay beesha Dhulbahante waxayna soo saartay heeso caro geliyay dadka u dhashay beesha Isaaq qaarkood taas oo ay ku laashay gooni isu taaga Somaliland.

Heesaha Saado ee Isaaqa gaar ahaan Habar jeclo ay ka qeeyliyeen waxaa ka mida DALQURA,DARWIISH IYO LIBDHIMEYSO LAASCAANO.

Qorshaha cusub ee Isaaqa ay ku yabooheen khaarijta Saado waxaa la rumeeysan yahay inay sii kordhin doonto xiisadaha iyo isnaceybka ka dhex qarxay Dhulbahantaha iyo Isaaqa.

Dhulbahantaha waxay cadaawad la mida tan Isaaqa u qabaan Majeerteenka Puntland oo ay iska diideen la jaal noqoshadooda waxayna doonayaan inay noqdaan bulsho leh maamul madaxbanaan oo loogu waqlalay SSC.

Isaaqa iyo Majeerteenka waxay doonayaan inay DHULBAHANTAHA kala qeybsadaan oo ku hardamanaa gacan ku heynta LAASCAANO.

Laascaano waxay ku jirtaa hada gacanta Maamulka Somaliland ee Madaxweynaha uu ka yahay Ahmed Siilaanyo.

Dagaalyahanada SSC waxay wadaan dagaalada loo yaqaan KU DHIFOO KA DHAQAAQ ama GOODIRLEYNTA waxayna la bartilmaameedsanayaan fariisimaha Ciidamadda Somaliland.

Gudoomiyaha SSC oo todobaadkaan u waramay Radio Xargaga wuxuu sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu la mid yahay kii ay SSNM la gashay Xukumadii Afweyne.

Saleban Isse Ahmed Kaar Xaglo-Toosiye wuxuu ku dhaartay inay DHULBAHANTAHA dagaalamayaan inta ay Somaliland iyo Puntland ka ogolaanayaan deris wanaag iyo is xaqdhowr ay kula noolaadaan Maamulka SSC.

SSC waxay heleeysaa taageera xoogan oo dhinaca beesha DHULBAHANTAHA ah,waxaana muuqato in dagaalkoodu tabar yeeshay marka la qiimeeyo sida beesha isugu raacsan tahay.

Somalia waxaa la degay dagaalo sokeeye iyo qabyaalad xoog iskugu faan ku dhisan.

Isaaqa iyo Majeerteenka waxay is bidayaan awood ay kaga adkaan karaan DHULBAHANTAHA oo iskugu yeera DARAAWIISH,

DARAAWIISHTA micnaheedu waa inay ahaayeen xoogii kiciyay gumeeysigii Ingiriiska ,

Daraawiishta waxaa hees caan baxday u sameeyay Abwaan Mohamed Warsame Hadraawi,waana heesta ay qaado Shankaroon Ahmed Sagal ee miraheeda ay ka mid yihiin: MA GABLAMIN DARWIISHTII,AXMAD GUREEY MA UU DHIMAN,GEENYADU MA DAALANAA"

 

 

xigasho: Xafiiska Wararka Allmudugnews


 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday