gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Maalmihii ugu danbeeyey wax warbaahinta ku qornaa baaq ay soo  saareen  Odayaasha Beesha degaanadoodu dagaaladu ka socdaan maanta ,hase ahaatee ma ahayn kuwo ka  helay jawaab,madaxda Puntland o ahaa maalmahan  kuwo ka gadaayey mashruuc kale oo la mid ah PIS shirka ka socda Ugandha

Dagaalkii maanta ka dhacay  Karin wuxuu ahaa mid daba socday dagaalkii hore  Labadan    Beelood oo horay ugu dhex maray degaanada   Majayahan

Markuu dhamaaday dagaalkii Majayahan dawlada Puntland uu madaxda ka ahaa Cade Muuse waxa uu  xoojiyey   Ciidan loogu magac daray PIS oo shaqadoodu lagu sheegay la dagaalanka argagixisada oo aan horay looga aqoon degaanda Puntland wax la yiraahdo argagixiso, Hartina walaalnimo ku wada noolaa Qarniyo

H'ayadan sirdoonka ah ,kana amar qaadata cid aan   ilaa hada  la aqoon cida ay tahay  una badan hal Beel oo Reer Puntland ah  si ay u  hesho kaalmo dibadeed waxay samaysteen "cadow aan jirin ", cadowga ugu fiicnaa oo ay  xiligaa ay samaysan lahaayeena   wuxuu noqday Nimankii  hogaaminayey Ciidankii Maakhir oo  diidanaa Bililiqadii Cade ee Buuraha Cal Madow 

Hay'adan oo kaalmo Malaayiin Doolar ah  ka heshay wadamo shisheeye  ayaa waxay bilowday ugaarsi xoog leh iyo raaf,la mid ah   kan maanta  lagu hayo Soomaalida Koonfurta ka soo baro kacday,taasina waxay keentay in ragii kula dagaalamay Majayahan qaarna la xiro intii soo hartayna Buuraha  galaan oo halkaa u joogaan si magangalyo,hase ahaatee ma noqon kuwo sidaa looga haray ee waxay noqdeen kuwo lagu sheego in ay yihiin Alshabaab ka soo jeeda Digil iyo Mirifle si Aduunka looga helo Mashruuc kale oo la mid ah kii PIS.

PIS,Birmadka, Daraawiishta, dhamaan maanta waxay ahaayeen kuwo ka soo gurmaday magaalada Qardho,hase ahaatee waxa saarnaa shiraac dagaalkii Widhwidh iyo Buuhoodle

Mashaariicdan lacagta lagu urusaanayo ayaa ah  kuwa  bilaabay dhibka maanta ka jira Puntland,waana tan Madaxweynaha puntland uu  uga dhega adaeegay baaqii odayaasha isaga oo dhegta u taagaya Shirka ka socda Ugandha,hase ahaatee ay ahayd in uu xalka ka raadiyo Puntland dhexdeeda culaysna saaro  Odayaasha degaanka si ay xaqiiqda jirta halkaa uga keeni lahaayeen.

Ugu danabayntii Aduunka been waa loo sheegi karaa iyo Soomaalida inteeda  kale hase ahaatee Reer Bari waa dad  is yaqaan, dagaalkii maanatan waa la ogyahay Beelaha uu u dhex maray  ,wax macno ahna samayn mayso cadowgaaga oo aad ugu yeerta magac ama shaabad aduunku xiisaynayo aad ku dhufato , ee hadii la rabo nabada Puntland waa in la furaa  wada hadal waxna  lagu doonaa walaalnimo , xalkana loona daayaa ama waqti la siiyaa Beesha degta degaanada laysku haysto, hadii ay xaliso waa sidii la wada rabay,hadii ay sheegto in arintu faraha ka baxday oo ayna wax ka qaban karayna waa in Beelaha Puntland oo Isimadu hogaaminayaan si wada jir ah wax uga qabtaan.

 

Xigasho: Allsanaag.com

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
Muuqaalka Maanta

Gabayga SSC Dawlo uu tiriyey abwaan XINNE XIIREY JAAMAC

Debate: Universal TV on SSC


Barnaamijkii 'XOG-WARRAN' ee ka baxay UnIversal TV kuna saabsanaa weerarradii Ethiopia iyo SNM-tu ka geysteen Buhodle iyo Widhwidh