Dagaal maanta ka qarxay Karin oo afartameeyo kM u jira Boosaaso
Dagaal aad u kulul ay iskaga horyimaadeen ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo kuwa u daacada Maxamed Siiciid Atom ayaa maanta subaxnimadii hore ka bilowday magaalada Karin oo qiyaas ahaan dhowr iyo afartan kilomitir u jirta magaalada Boosaaso.
Dagaalkan saaka ka bilowday degaankaa oo beryahabaa la saadalinayey ayaa sida lagu soo waramayo geeystay qaasare aad u balaadhan oo soo gaadhay labada dhinac ee dagaalkaa iskaga hor yimid. Sida wararku sheegayaana waxaa ciidamo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo ka tirsan maamulka Puntland la keenay cisbitaalk ku yaala magaalada Boosaaso.
Dagaalkan ku wajahan buuraleyd gobolka Sanaag oo fadhi rasmi ah uu ku leeyahay Maxamed Siciid Atom iyo ciidamadiisa ayaa maamulka Puntland hore u shaaciyeen in ay goobahaa dagaal ku qaadayaan iyaga ciidamadaa ku eedeyey in xidhiidh la leeyahiin kooxaha xag jirka ah ee ka dagaalama Koonfurta dalka Soomaaliya.
Dadka ku dhaqan gobolka Sanaagna waxay u arkaan dagaalkan mid maamulka Puntland uu ugu mar marsoonayo in uu dib ugu soo noqdo degaanka lagu magacaabo Majiyahan oo aan wax badan ka fogeyn magaalada Galgala ooh ore looga helay macdano ay ka mid yihiin Dahab horena ay ugu dagaalameen maamulka Garoowe iyo dadka degaanka iska leh.
Dagaalkan maanta ka biloday gobolka Barina waxaa hubaal aha ama dad badani u arkaan in uu yahay mid wejiyo aad u badan leh ayna ku jiraan gacamo fara badan, loona arko in aanay ka madhnayn arimo qabiil, kuwo dhaqaale iyo kuwo salka ku haya arimo diimeed.
Dowlada maamulka madaxweyna Faroolena waxay arintani ku noqonaysaa caqabadii ugu balaadhnayd ee soo wajahada intii uu madaxweynaha ka ahaa maamulka Puntland, waxaana caqabadani u muuqataa mid aanu sibana uga badbaadaynin marka la eego siyaasadiisa qalafsan ee uu idhaweydba ku maamulayey degaanadaas.
Dagaalkaa saaka bilowdayna wararkii ugu danbeeyey waxay sheegayaan in uu weli si xawli ah u soconayo magaalada Boosaasona uu ka jiro bandow aan la ogolaanayn in cidi ay debeda uga baxdo.
Buhodle.net





