gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Madaxweynayaasha wadamada qaarada Afrika ayaa maanta waxaa magaalada Kambala ee dalka Ugandha uga bilowday shirkii 15aad ee ay isugu yimaadaan wadamada la magaca baxay midowga AFrika.  Shirkaas oo hore loo shaaciyey ayaa waxa uu ku soo beegmay laba todobaad ka bacdi markii dalkaa ay ka dhaceen qaraxyo ay dad badani ku nafwaayeen.

Qaraxyadaa ka dhacay magaalo madaxda dalkaa ayaa waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 76 qof oo shicib ah oo daawanayey ciyaartii kama danbaysta ahayd ee koobka kubada cagta ee aduunka.  Qaraxyadasna waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen ururka lagu magacaabo Al-Shabaab ee ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya.

Ururkaas oo ku eedeyey wadamo ay ka mid yahay wadanka Ugaandha in ay taageero ciidan siiyaan dowlada diciifka ah ee dalka Soomaaliy, kuna xasuuqay dad badan oo shicib ah magaalada muqdisho iyaga oo garabka saaraya dowlada ku meelgaadhka ah.

Taasina waxay keentay in shirkan uu hadheeyo waxii laga yeeli lahaa dhibaatada mudada labaatanka sanadood ah ka taagan dalka Soomaaliya oo aad hada moodid in ay ku sii fidayso wadamada qaarada Afrika.

Shirkan ayaa markii hore loogu talo galay in lagu gorfeey horumarinta caafimaadka hooyada iyo caruurta ku dhaqan qaarada Afrika balse hada loo beddelay in lagaga wada hadlo dhibka fidaya ee dalka Soomaaliya iyo sidii xal deg deg ah loogu heli lahaa.

Madaxweynaha dalka Yugandha Yuwieri Musavini ay qorsha yaasha shirka lagaga doodayo ku daray in ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Soomaaliya si deg deg ah loo kordhiyo lagana beddolo qaabkii hore ee ay ku joogeen magaalada Muqdisho ee fadhiidka ahayd.

Hadana magaalada Muqdisho waxaa ku sugan shan kun oo askar ka soo kala jeeda wadamada Yagandha iyo wadanka Burundi, waxaana madaxda wadamada qaarada Afrika doonaysaa in ay ciidamadaa gaadhsiiyaan ill toban kun oo askar.

Waxaase dadka arimaha siyaasada wadanka Soomaaliya gorfeeyaa in aan xalku ku jirin ciidamo la kordhiyo oo la dagaalama ururka Al-Shabaab balse loo baahanyahay in xaalada ka taagan wadankan lagu dhameeyo wadahadalo loogu wada yeedhayo kooxaha isku haya dalka.

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
Muuqaalka Maanta

Gabayga SSC Dawlo uu tiriyey abwaan XINNE XIIREY JAAMAC

Debate: Universal TV on SSC


Barnaamijkii 'XOG-WARRAN' ee ka baxay UnIversal TV kuna saabsanaa weerarradii Ethiopia iyo SNM-tu ka geysteen Buhodle iyo Widhwidh