Canbaareyn loo soo jeediyey Raafkii uu sameeyey maamulka Puntland
Baydhabo: Aqoonyahanada gobolada Bay iyo Bakool ayaa cambaareeyay raafkkii dhawaan reer koofureedka ay ku sameeyeen ciidamada Maamul goboleedka Puntland, iyagoo dhinaca kalana talaabo lala yaabo ku tilmamay hadalkii Madaxweyne Faroole.
Waxaa maalmihii ugu danbeyay isasoo tarayay eedeymaha loo jeedinayay Maamul Gobaleedka Puntland oo ku aadan wixii ka danbeeyay markii ay bilaaween in dadka u dhashay Koonfurta Soomaaliya ay ka soo musaafuriyaan magaalooyinka Puntland, waxaana arintaasi si xun u canbaareeyay Aqoonyahanada Bay iyo Bakool.
Prof: Ibraahim Muuse Heeroow oo ah Gudoomiyaha golaha Aqoonyahanada Gobalada Bay iyo Bakool ayaa ka hadlay in ay tahay arintaasi mid cawaaqib xuma ah oo ku fududaaday Maamulka Puntland, waxa uu intaasi ku daray dadka ka dambeeya dhibaatooyinka ka jira Puntland ay yihiin dad u dhashay Puntland.
Sidoo kale waxuu cabaareeyay Madaxwayne Faroole isagoo ku tilmaamay in waxyaabaha uu ku dhaqmayo uusan ku dhaqmin qof aqoon leh, maadaama isagoo madaxweyne ah uu bilaabay in uu kala geeyo shacabka Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.
Prof: Heeroow oo ah gudoomiyaha golaha Aqoonyahanada Bay iyo Bakool ayaa sidoo kale tibaaxay in dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya aysan ahayn dad iyaga dhibaatooyinka ka gaysan Karin Magaalooyinka Puntland, waxaa uu intaa ku daray cawaaqib xumada ka dhalan karta arinkaasi in uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweyne Faroole,
Wixii ka danbeeyay markii maamul gobaleedka Puntland ay bilaabeen in dadka u dhashay Koofurta Soomaaliya ay dib ugu soo Celiyaan halkii ay kasoo jeedeen ayaa waxa jiray in aydeemo loo jeedinayay Maamulka Puntland, waxana isla maalin ka hor arintaasi ka hadlay Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada Beelahay Hawiye Axmed Diirye Cali, waxa uuna sheegay in taasi ay tahay mid lagu kala dilayo Shacabka Soamaaliyeed.
Xigasho Shabelle.net





