gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home


Ciidama maamulka Soomaalidiidka ah eek u sugan magaalada Widhwidh ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey bilaabay in ay iyaga oo raxan raxan ah ka baxsadaan ciiidamadooda ku sugan agaagaarka magaaladaas.

Sida wararku xaqiijinayaan kadib markii ciidamada hogaanka gobolada SSCdu  ay goobahaa ka muujiyeen dagaal aad u qadhaadh oo ay doonayaan in maamulka Soomaalidiidka ha kaga xoreeyaan degaankooda ayaa ciidamadaa ku sugan magaalada Widhwidh ay la soo gudboonaatay cabsi aad u balaadhan.

Taasina waxay keentay in todobaadkii la soo dhaafay ay ciidamadaasi bilaabeen baxsasho ay ka goosanayaan ciidamadooda halkaa jooga iyada oo qaybtii ugu horeysay ee goosata lagu qiyaasay askar dhan 26 askari oo todobaadkii dhaweyd ka gudbay agagarka magaalada Hurufadhi.

Mudo hada laga jooga sadex maalmoodna waxaa ciidanka ka tegay sadex gaadhi iyo ciidankoodii oo gawaadhida lagu kala sheegay gaadhi Suu iyo labad baron oo sida la sheegay markoodii hore laga lahaa ama ka yimid galbeedka gobolka Sanaag.

Habeenkii xalay ahaana waxaa la xaqiijinayaa in ciidamada Soomaalidiidka ah ee lagu soo majara habaabiyay magaalada Widhwidh ay ka baxsadeen askar cadadkooda lagu sheegay 30 askari oo hubkoodii fudadaa u dhanyahay balse aan wax qoryo ama saanada hubka waaweeyn wadanin.

Fakadka ciidamadan ayaa bilowday wakhti aad u horeeya balse markoodii hore ahaan jiray dad fara ku tiris ah oo isugu jiray mid iyo labo ciidamadaa kaga tegaya dhuumaalaysi qoryahoodana  qiimo aad u jaban kaga iibsan jiray dadka degan agaagarka magaalada Widhwidh.

Askartaa qoryahooda iibsanaysaana waxaa lagu soo waramayaa in gudaha magaalada Widhwidh  ay qiimaha qoriga AK-47ka ah gaadhsiisay qiimo aad u jaban oo askartaa baxsanaysaa doonayso in ay jicsin ka sii dhigtaan inta ay ka gaadhayaan degaanadii markii hore laga keenay.

Ciidamadaa ka baxsanaya maamulka Soomaalidiidka ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay isugu jiraan kuwa markoodii hore laga keenay gobolka Awadal iyo kuwa ka soo jeeda qabiilka Habaryoonis, iyada oo ay jirto in labadan qolo aanay la dhacsanayn maamulka dhawaan laga doortay magaalada Hargeysa.

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
Muuqaalka Maanta

Gabayga SSC Dawlo uu tiriyey abwaan XINNE XIIREY JAAMAC

Debate: Universal TV on SSC


Barnaamijkii 'XOG-WARRAN' ee ka baxay UnIversal TV kuna saabsanaa weerarradii Ethiopia iyo SNM-tu ka geysteen Buhodle iyo Widhwidh